HomeCaalamkaTirada Askartii ku geeriyooday Afgembigii Fashilmay ee Ethiopia oo la shaaciyey

Tirada Askartii ku geeriyooday Afgembigii Fashilmay ee Ethiopia oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ugu yaraan 13 Askari ayaa la sheegay inay geeriyoodeen dhaawacyo ka soo gaaray Afgembigii Fashilmay ee lala maaganaa Dowlad-gobaleedka Amxaaradda ee dalkaasi. Taliyaha Boliska Gobalka Amxaaradda, Abere Adamu oo la hadlay Wakaalladda Wararka Amxaaradda ee AMMA ayaa sheegay in 6 Askari lagu dilay intii u socday dagaalkii looga hortegayey Afgembiga, halka 4 kalena ay u […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 13 Askari ayaa la sheegay inay geeriyoodeen dhaawacyo ka soo gaaray Afgembigii Fashilmay ee lala maaganaa Dowlad-gobaleedka Amxaaradda ee dalkaasi.

Taliyaha Boliska Gobalka Amxaaradda, Abere Adamu oo la hadlay Wakaalladda Wararka Amxaaradda ee AMMA ayaa sheegay in 6 Askari lagu dilay intii u socday dagaalkii looga hortegayey Afgembiga, halka 4 kalena ay u geeriyoodeen dhaawacyo rasaaseed.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu tilmaamay in 7 ka tirsan kooxdii waday Afgembiga iyagana la dilay.

Taliyaha waxa kale oo uu sheegay in la xiray 4 Saraakiil sarsare oo ka tirsan Gobalka Amxaaradda, kuwaasi oo qeyb ka ha baaritaanka lagu hayo Afgembigii Fashilmay.

Dhinaca kale, Afgembiga fashilmay waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 Saraakiil ka tirsan Federalka oo uu ka mid ah Taliyihii Milliteriga dalkaasi, Seare Mekonnen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories