HomeCaalamkaTrump oo cunaqabatayn ku soo rogay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan

Trump oo cunaqabatayn ku soo rogay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu qalinka ku qaaday Amar fulin, isagoo cunaqabatayn cusub ku soo rogay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamanii iyo Saraakiil kale oo ay ku jiraan 8 Taliyayaal sare oo ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan. Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Istefin Munjin waxa uu sheegay inay cunaqabatayntaasi saamayn doonto Xafiiska Hoggaamiyaha Sare ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu qalinka ku qaaday Amar fulin, isagoo cunaqabatayn cusub ku soo rogay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamanii iyo Saraakiil kale oo ay ku jiraan 8 Taliyayaal sare oo ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan.

Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Istefin Munjin waxa uu sheegay inay cunaqabatayntaasi saamayn doonto Xafiiska Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, lana xiri doono hanta Balaayiin Dollar.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in la qorsheynayo in Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan, Maxamed Javad Zarif lagu daro Liiska Cunaqabataynta xilli dambe oo Isbuucan ah.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM wxaay xilli dambe oo xalay ah yeesheen Kulan ay kaga hadleen xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan, waxayna labada dhinac ugu baaqay inay is-xakameeyan, si loo yareeyo xiisadda colaadeed.

Danjiraha u jooga QM, Majid Takhat Rafanji waxa uu ka digay inay xaalladda Gacanka Pershiya tahy mid aad khatar u ah, wuxuuna ku gacan-sayray inay Maraykanka la bilaabaan Wada-xaajood, isagoo xusay inaan lala xaajoon Karin qof ku cabsi-gelinaya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories