HomeCaalamkaSawirro:-Xuutiyiinta oo Duqeeyey labo Garoon oo ku yaalla Sacuudiga

Sawirro:-Xuutiyiinta oo Duqeeyey labo Garoon oo ku yaalla Sacuudiga

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Isbahaysiga Milliteriga ee Sacuudiga ayaa sheegay inuu hal qof oo u dhashay dalka Syria ku geeriyooday, dhowr kalena ku dhaawacmeen Diyaaarad Daroon oo ay lahaayeen Xuutiyiinta oo shalay duqeysay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Koonfurta dalkaasi. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo soo xigatay qoraal ka soo baxay Isbahaysiga ayey ku sheegtay  inuu qof […]

- Advertisement -

Isbahaysiga Milliteriga ee Sacuudiga ayaa sheegay inuu hal qof oo u dhashay dalka Syria ku geeriyooday, dhowr kalena ku dhaawacmeen Diyaaarad Daroon oo ay lahaayeen Xuutiyiinta oo shalay duqeysay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Koonfurta dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo soo xigatay qoraal ka soo baxay Isbahaysiga ayey ku sheegtay  inuu qof u dhashay dalka Syria ku geeriyooday duqeyntaasi, halka ay 7 kalena ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Telefishinka Alarabiya ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay ayaa baahiyey in Diyaarad Daroon oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku habsatay Barxadda gaadiidka la dhigto ee Garoonka Abha oo 200 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Xuduudka Yemen.

Dhinaca kale, Telefishinka Almasiirah ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta leeyihiin ayaa sheegay inay Laba Daroon ku weerareen Garoomadda Diyaaradaha ee magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee dalka Sacuudiga, kuna burburiyeen dhowr Diyaarad.

Bilowgii bishan, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla Garoonka magaalladda Abxa waxaa ku dhaawacantay 26 qof oo ay ku jireen carruur iyo haween.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories