HomeCaalamkaSaldhig ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka Iraq oo mar kale la...

Saldhig ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka Iraq oo mar kale la duqeeyey

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Gantaal noociisu ahaa Katayuush ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig ay Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq, waana duqeyntii 2-aad eel ala beegsado wax ka yar 24-saacadood. Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka ee ku sugan dalalka Iraq iyo Syria waxay xaqiijiyeen in saqdii dhexe ee xalay uu Gantaal kusoo dhacay Saldhig Tababar oo ku […]

- Advertisement -

Gantaal noociisu ahaa Katayuush ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig ay Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq, waana duqeyntii 2-aad eel ala beegsado wax ka yar 24-saacadood.

Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka ee ku sugan dalalka Iraq iyo Syria waxay xaqiijiyeen in saqdii dhexe ee xalay uu Gantaal kusoo dhacay Saldhig Tababar oo ku yaalla magaalladda Mosul ee dalka Iraq, balse ma aysan sheegin haddii wax Ciiddan ah lagu dilay weerarkaasi.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Hawlgalka Maraykanka ee dalka Iraq waxa uu tilmaamay in duqeymo kale oo aan toos ahayn bishan 17-dii ku habsadeen meel ku dhow Saldhig kale oo ay Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Taaji ee dalka Iraq.

Duqeymahan ayaa yimid, kadib, markii ay Milliteriga Iraq sheegeen hal maalin ka hor inay 3 Hoobiye ku haysadeen Saldhiga Milliteriga ee Taaji oo ku taalla Waqooyiga Baqdaad.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu Dowladda Iiraan ku tilmaamay Argagixiso, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa labada dal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories