HomeCaalamkaMaydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo lagu aasay Bariga...

Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo lagu aasay Bariga Qaahira

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

  Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi Ciisa Al-ayat ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto (Abaarihii 5-tii Aroornimo ee xilliga dalkaasi)  lagu aasay  Qabuuro ku yaalla magaalladda Nasar ee Bariga magaalladda Qaahira. Ilo-wareed ayaa sheegay in ay xubnaha Qoyskiisa iyo Qareenadooda goobjoog ka ahaayeen Aaskiisa, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Guud […]

- Advertisement -

 

Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi Ciisa Al-ayat ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto (Abaarihii 5-tii Aroornimo ee xilliga dalkaasi)  lagu aasay  Qabuuro ku yaalla magaalladda Nasar ee Bariga magaalladda Qaahira.

- Advertisement -

Ilo-wareed ayaa sheegay in ay xubnaha Qoyskiisa iyo Qareenadooda goobjoog ka ahaayeen Aaskiisa, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Guud ee dalkaasi.

Dukumentiyo la arkay oo aan xaqiijin Karin oo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa waxaa lagu muujiyey inay xubnaha Aaska Marxuumka ka qeyb galay ahaayeen Mursi wiilkiisa, Xaaskiisa, Nin isaga la dhashay iyo 2 Qareen.

Mar sii horreysay Dowladda Masar waxay ku gacan sayrtay Codsi uga yimid Qoyska Maxamed Mursi oo ahaa in Marxuumka lagu aaso Deegaanka uu ka soo jeedo, kuna dhashay ee Gobalka Sharqiya ee Waqooyiga dalkaasi.

- Advertisement -

C/llaahi Maxamed Mursi oo la hadlay REUTERS ayaa sheegay in loo diiday in Aabihiisa lagu aaso Qabuuro ku yaalla Deegaanka ay ka soo jeedaan.

Dhinaca kale, Telefishinka Dowladda Masar waxa uu Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah sheegay inuu Maxamed Mursi la xanuunsanaa Buro Boog ah, balse uu u geeriyooday Wadna-xanuun.

Dacwad-oogaha Masar, Nabiil Sadiiq waxa uu sheegay inaysan Marxuum Maxamed Mursi oo 67-jir ahaa ku oolin jirkiisa wax calaamado dhaawaxyo ah, balse, Qoyskiisa iyo Ururka Akhwaanul-muslimiinka Masar waxay ku baaeen in Baaritaan caalami ah lagu sameeyo waxa sababay dhimashadiisa.

Maxamed Mursi oo ahaa xubin Hoggaanka Ururkaasi, waxa uu sannadkii 2012-kii ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dalka Masar.

Waxa uu xilkaasi hayey laga bilaabo bishii June 30-dii ee sannadkii 2012-kii ilaa bishii July 3-dii ee sannadkii 2013-kii, waxaana xilka ka tuuray Saraakiisha Milliteriga ee dalkaasi oo uu hoggaaminayey Jeneral C/fataax Al-sisi oo haatan ah Madaxweynaha dalkaasi,

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories