HomeCaalamkaKenya oo ku eedeeysay Norway inay Somalia kula safan tahay muranka xuduudka...

Kenya oo ku eedeeysay Norway inay Somalia kula safan tahay muranka xuduudka Badda

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Cadadkii maanta ee Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inaysan Kenya ku faraxsanayn doorka ay shirkadda Norweejiyanka ee dib u calaamadaynaysa Khariidadooda, waa sida hadalka loo dhigay. Shirkadda Shidaalka ee DNO ee laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay inay Qandaraas ku heshay inay shidaal ka baarto xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cadadkii maanta ee Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inaysan Kenya ku faraxsanayn doorka ay shirkadda Norweejiyanka ee dib u calaamadaynaysa Khariidadooda, waa sida hadalka loo dhigay.

Shirkadda Shidaalka ee DNO ee laga leeyahay dalka Norway ayaa la sheegay inay Qandaraas ku heshay inay shidaal ka baarto xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay ee ay Kenya sheeganayso.

- Advertisement -

Wargeyska The Nation ayaa qoray inay Warbixino la rumeysan karo muujinayaan inay Kenya ka dibad-baxeen Dowladda Norway oo u oggolaatay Shirkadooda inay ku lug yeeshaan kala-qeybta muranka xuduud-baddeedka Kenya iyo Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inay ka caraysan yihiin in Norway oo la rumeysnaa inay ka shaqeynayaan Nabadda Somalia ay ku lug yeesheen Kala-qeyin, waa sida uu hadalka loo dhigay.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dowladda Kenya eedeyn u jeediyaan Dowladda Norway, waxayna horey eedeyn noocan oo kale u jeediyeen Dowladda Britain, balse, ma kala cadda inay Dowladda Kenya ka laabatay eedeynta ay horey ugu jeediyeen Britain

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kiiska Khilaafka Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa waxaa haatan hor yaallaa Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee ICJ oo ay Xaruntooda dhexe ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Bishii August ee sannadkii 2014-kii, waxay DFS dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ oo ku aadan sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts