HomeWararSawirro:-RW Kheyre oo la kulmay Maamulaha Guud ee Hay’adda USAID

Sawirro:-RW Kheyre oo la kulmay Maamulaha Guud ee Hay’adda USAID

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa qaabilay Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mudane Mark Green iyaga oo si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u hawlgelinta Xarunta USAID ee Soomaaliya oo la xiray sannadkii 1991-kii. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mudane Mark Green ayaa ka wada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa qaabilay Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mudane Mark Green iyaga oo si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u hawlgelinta Xarunta USAID ee Soomaaliya oo la xiray sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mudane Mark Green ayaa ka wada hadlay dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto dib u soo kabashada dhaqaalaha, deyn cafinta iyo dib u habaynta hannaanka maaliyadeed ee dalka si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho iyo dib u soo kabasho dhaqaale, isla markaasna ay soo dhawaynayso wada shaqaynta Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka.

Dhankiisa, Mudane Mark Green ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay hawlaha ay hay’adda USAID ka waddo Soomaaliya iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo mashaariicda lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah.

Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka.

- Advertisement -

Mudane Mark Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts