HomeCaalamkaDowladda Turkiga oo sheegtay inay muhiimad Khaas ah siiyaan xiriirka Somalia

Dowladda Turkiga oo sheegtay inay muhiimad Khaas ah siiyaan xiriirka Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Faaruuq Kaymakji ayaa hadalkaasi ka sheegay Furitaanka Shirweynaha Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caalamka oo ka furmay magaalladda Istanbul ee dalkaasi.   Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Turkiga mudnaan khaas ah siinayao xiriirka ay la leeyihiin Somalia iyo inay magaalladda Muqdisho tahay mid ka mid ah Caasimadaha Afrika ee ay Turkiga muhiimadda siiyaan. […]

- Advertisement -

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Faaruuq Kaymakji ayaa hadalkaasi ka sheegay Furitaanka Shirweynaha Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caalamka oo ka furmay magaalladda Istanbul ee dalkaasi.

 

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Turkiga mudnaan khaas ah siinayao xiriirka ay la leeyihiin Somalia iyo inay magaalladda Muqdisho tahay mid ka mid ah Caasimadaha Afrika ee ay Turkiga muhiimadda siiyaan.

 

“Waxaan garab taaganahay Ummadda Soomaaliyeed, waxaana sii wadi doonaa Taageeradda aynu siino Walaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Faaruuq Kaymakji.

- Advertisement -

 

Wuxuuna intaasi ku daray inay Turkiga sii wadayaan Taageeradda kasta ee ay u baahan yihiin dadka Soomalaida iyo kobaca Dhaqaalaha iyo Barwaaqadda Muwaadiniinta Soomaalida.

 

Wasiir-ku-xigeenka, Faaruuq Kaymakji waxa uu Ka-qeybgalayaasha Shirka Qurbo-joogta Soomaalida u gudbiyey Farriinta uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ku xaqiijiyey inay Turkiga garab taagan yihiin dadka Soomaalida, lana si iwadi doono Taageeradaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Somalia, Mahad Maxamed Guuleed oo ka hadlay furitaanka Shirkaasi waxa uu  sheegay inay Dowladda Turkiga tahay saaxiibka runta ee Somalia, wuxuuna uga mahad celiyey sida ay Somalia u garab istaageen xilliyadii ugu dhibka badnaa.

 

Shirweynaha Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caalamka oo ka furmay magaalladda Istanbul ee dalkaasi oo ay iska kaashadeen Qurbo-joogta iyo Machadka Yonis Emre ee Turkiga waxa uu socon doonaa  ilaa bishan June 17-da oo ku beegan berrito.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories