HomeCaalamkaKenya oo lagu taliyey wada-xaajood lagu xaliyo Muranka Xuduud-baddeedka Somalia

Kenya oo lagu taliyey wada-xaajood lagu xaliyo Muranka Xuduud-baddeedka Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Koox Khubaro ah oo ku takhasustay Hawlaha Badda oo ku sugan dalkaasi ayaa ka codsaday inay Dowladda Kenya khilaafkaasi ku xaliyaan xal Diplomaasiyadeed, maadaama ay horey ugu fashilantay inay wax ka qabtaan Dagaalka Alshabaab iyo Burcad-baddeeda Soomaalida. Khubaradaasi oo kulan ku yeeshay Machadka Siyaasadda Afrika ee The African Policy Institute ee magaalladda Nairobi waxay sheegeen […]

- Advertisement -

Koox Khubaro ah oo ku takhasustay Hawlaha Badda oo ku sugan dalkaasi ayaa ka codsaday inay Dowladda Kenya khilaafkaasi ku xaliyaan xal Diplomaasiyadeed, maadaama ay horey ugu fashilantay inay wax ka qabtaan Dagaalka Alshabaab iyo Burcad-baddeeda Soomaalida.

Khubaradaasi oo kulan ku yeeshay Machadka Siyaasadda Afrika ee The African Policy Institute ee magaalladda Nairobi waxay sheegeen in Dowladda Kenya la gudboon tahay inay Xal wax ku raadiso, iyadoo la eegayo Nabadda Galbeeka Badda Hindiya.

- Advertisement -

Wxaay hoosta ka xariiqeen inay Kenya ku guul-daraysan doonto Kiiska Muranka Xuduud-baddeedka ee haatan hor yaalla Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ” ee magaalladda The Hague ee dalka Holland, taasina ay Dowladda Kwenya ku kallifi doonto inay Dowladaha Somalia iyo Tanzania ka codsadaan fasaxa Maraakiibta ku soo xiran doona Dekedda magaalladda Mombasa.


Kulaanka Khubarada ku takhasustay Hawlaha Badda ee ku shiray Nairobi waxay isku raaceen inaan la xirin Albaabka Wada-xaajoodka Somalia, kaasi oo lama huraan ah, ka hor intaysan Xeer-beegtida Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ” ku dhawaaqin Xukunka go’aan ka gaarista Muranka Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya bisha September ee soo socota.

Khubarada waxay sahmiyeen dhowr xal oo suurto-gal ah, si wax looga qabto Muranka Kenya iyo Somalia, waxayna tusaale u soo qaateen Khilaafkii Badda ee u dhexeeyey Dowladaha Shiinaha iyo Filibiin, kaasi oo ay labada dhinac go’aansadeen inay Wada-xaajood ku dhamaystaan.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay sheeganaysaa Milkiyadda xuduud-baddeedka Somalia, kaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 100,000 oo Kiilomitir oo isku wareeg ah, waxayna Somalia dacwadaasi u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014-kii.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories