HomeCaalamkaDad ku geeriyooday shil ka dhacay Venezuela

Dad ku geeriyooday shil ka dhacay Venezuela

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku geeriyootay shil Bas oo ka dhacay dhulka fog ee Gobalka Zulia ee Galbeedka dalkaasi, una dhow xuduudka dalka Colombia Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay 14-qof geeriyootay, 33 kalena ku dhaawacmeen shilkaasi, kuwaasi oo loo gudbiyey Isbitaal ku yaalla magaallada Villa del Rosario. 4 ka mid ah dadkii dhaawacmay waxaa […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku geeriyootay shil Bas oo ka dhacay dhulka fog ee Gobalka Zulia ee Galbeedka dalkaasi, una dhow xuduudka dalka Colombia

Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay 14-qof geeriyootay, 33 kalena ku dhaawacmeen shilkaasi, kuwaasi oo loo gudbiyey Isbitaal ku yaalla magaallada Villa del Rosario.

- Advertisement -

4 ka mid ah dadkii dhaawacmay waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Isbitaalka, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo aragtay Warbixinta Boliska.

Baaritaano hordhac ah ayaa sheegay inuu shilkaasi ka dhashay iyadoo uu Taayar ka qarxay, xilli uu Dareewalka si xawli ah ku waday Baska.

Baska waxaa la socotay 58 qof oo rakaab ah, sida laga soo xigtay Goobjooge la hadlay Wargeyska Panorama ee ka soo baxa dalka Venezuela.

- Advertisement -

Waddooyinka dalkaasi waxay yihiin kuwo dhibaato lagala kulmo, mana jiraan wax dayactir ah oo lagu sameeyey iyo iyadoo Gaadiidka Dadweynaha yihiin kuwo duugoobay.

Qiyaastii 10,600 oo qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen shilal gaadiid o oka dhacay dalkaasi sannadkii 2016-kii, sida lagu xusay Warbixintii Ammaanka Waddooyinka Caalamka ee ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO soo saratay sannadkii 2018-kii.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories