HomeCaalamkaUhuru Kenyatta oo loogu baaqay inuu si toos ula hadlo dhigiisa Somalia,...

Uhuru Kenyatta oo loogu baaqay inuu si toos ula hadlo dhigiisa Somalia, si loo dhameeyo Khilaafka Taagan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si toos ah ula xiriiro Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, si loo xaliyo Khilaafka Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka u dhexeeya labada Waddan.   Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in Deeqaha la siiyo Somalia uu kaalin weyn ka […]

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si toos ah ula xiriiro Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, si loo xaliyo Khilaafka Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka u dhexeeya labada Waddan.

 

- Advertisement -

Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in Deeqaha la siiyo Somalia uu kaalin weyn ka qaato Dhaqaalaha Kenya, isla markaana loo baahan yahay in la joojiyo khilaaf kasta ee horseedi kara jahwareer ku yimaada Ganacsiga labada Waddan ee deriska ah.

 

- Advertisement -

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in Kharaj-bixinta Somalia ka timaado, iyadoo Kenya uga imaanayso Hay’addaha Caalamiga oo ay ku jirto QM iyo Safaraadaha.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu caddeeyey in qaar ka mid ah lacagaha Kaashka ee loo diro Somalia ay ugu dambayntii ku soo gebageboobaan Dhaqaalaha Kenya.

 

“Sidaynu mar kastaba sheegno, ma dooran kartid deris. Deriskaaga mar kasta waxa uu joogayaa halkaasi” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Kenya.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Somalia iyo Kenya casharo ka baran karaan  sida ay Dowladaha Tanzania iyo Malawi u xaliyeen Khilaafkooda Xuduudka Harada Lake Nyasa, kadib, markii ay Labada Madaxweyne Guddi u saareen xalinta Khilaafkaasi.

 

Sidoo kale, waxa uu xusay in Khilaaf noocaasi ahaa la xaliyey markii uu ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda, kadib, markii uu isaga kula taliyey Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki inuu la xiriiro dhigiisa Somalia, isla markaana ay labada dhinac wada gaareen Heshiis, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories