HomeWararAkhriso:-Taariikh Nololeedka Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi

Akhriso:-Taariikh Nololeedka Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Mursi wuxuu ku dhashay deegaanka Al-Cadwah oo saran Webiga Nile ee gobolka Sharqiyah, sannadkii 1951. Wuxuu culuumta Injineeriyadda ka bartay jaamacadda Qaahira sannadkii 1970kii. Ka dib wuxuu shahaadada PhD ka soo bartay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka. Soo Ifbixii Mursi Doorashadii baarlamaan ee ugu horeysay ka dib markii xilka laga tuuray Mubaarak, sannadkii 2011kii, Ikhwaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mursi wuxuu ku dhashay deegaanka Al-Cadwah oo saran Webiga Nile ee gobolka Sharqiyah, sannadkii 1951. Wuxuu culuumta Injineeriyadda ka bartay jaamacadda Qaahira sannadkii 1970kii.

Ka dib wuxuu shahaadada PhD ka soo bartay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Soo Ifbixii Mursi

Doorashadii baarlamaan ee ugu horeysay ka dib markii xilka laga tuuray Mubaarak, sannadkii 2011kii, Ikhwaanka waxay sameysteen Xisbi ay ku magacaabeen Xuriyadda iyo Cadaaladda (FJP). Waxay ku guuleysteen kala bar kuraastii baarlamaanka.

Morsi ayey u doorteen inuu hoggaamiye u noqdo xisbigaas siyaasadeed, kaas oo ku guuleystay doorashadii madaxweynaha.

- Advertisement -

Inkastoo uu hogaaminaye ahaa waqti dheer haddana waxaa loo arkay inuu ahaa nin aamusan oo dadka aan soo jiidan karin.

Morsi ayaa u balanqaaday dadka cadaalad iyo horumar iyo inuu Masar oo dhan hoggaaminayo inakstoo natiijada doorashada aad la isugu dhowaa.

Xilligaas ka hor ayaa siyaasadda lagu arkay. Wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sannadihii 2000 iyo 2005tii.

Dadka isaga dhalleeceeya waxay sheegeen inuu ku guuldareystay inuu waxqabto sannadkii uu xafiiska hayay.

Waxay sheegeen inuu Islaamiyiinta u ogolaaday in ay siyaasadda galangal ku yeeshaan ayna dhaqaalaha si xun u maareeyaan.
Dad dowladdiisa ka soo horjeeday ayaa sababay isu soo bax malaayiin qof ay ka qeybgaleen, maalintii uu u dabaaldegayay sannadkii uu xafiiska hayay ee 30 June 2013kii.

Habeenkii 3dii Juley ayey ciidammada laaleen dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen dowlad ku meel gaar ah oo dalka doorasho ku hoggaamisa.

Morsi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay afgembi, waxaana lagu xiray xabsi ay militariga leeyihiin.

Ururkii uu ka tirsanaa ee Ikhwaanka wuxuu Masar ka jiray ku dhowaad 90 sano. Maxamed Morsi wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar ee si dimuquraadiyad ah lagu doortay.
Ururka Ikhwaanka oo muddo Masar mamnuuc ka ahaa, markii ugu horeysay ee siyaasadda ay u tartameen waxay ahayd 1980-maadkii.

Waxay ka qeybgaleen doorashooyiinkii 1984 iyo 1987. Sannadkii 2000, waxay noqdeen mucaaradkii ugu weynaa dalka Masar.

Maaxamed Morsi oo dhowr goor oo maxkamad la geeyay, waxaa lagu kala riday xukunno kala duwan, sida xabsi iyo dil.

Maxkamadda sare ee Masar ayaa ka dib go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Xigasho BBC Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts