HomeWararSawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Kuwait

Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Kuwait

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aaden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amiin Cali, iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgallada Col. Ciise Axmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah maanta ku gaaray Dalka Kuwait, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aaden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amiin Cali, iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgallada Col. Ciise Axmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah maanta ku gaaray Dalka Kuwait, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Kuwait, Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Mudane Maxamed Cabdullahi Odawaa iyo saraakiil kale oo Safaaradda JFS ee Kuwait ka ka tirsan.

Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ka socda ayaa inta ay booqashada ku joogaan Kuwait waxa ay la kulmi doonaan Madaxda Wasaaradda Difaaca Kuwait, gaar ahan Taliyaha Ciidanka Xoogga Kuwait Sareeyo Gaas Maxamed Khaalid Al- Khadar iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka sodcaalkoodu la xiriiro xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee walaalaha ah.

- Advertisement -

Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha sida muuqata u garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, halkaas oo ay mar walba ka muujiso garab istaaga diblomaasiyadeed marka laga hadlayo amuuraha Soomaaliya.

Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa oo dhawaan loo magacabay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait ayaa sii dardargeliyay barnaamijyadii Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Difaaca, Tacliinta, Ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxaana la rajeynayaa in dhawaan Kuwait lagu qaban doono Shirweyne lagu horumarinayo Tacliinta Soomaaliya.

Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu wadaa in booqashadoodu ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts