HomeCaalamkaMaraykanka oo ka digay inay Suudaan la mid noqoto Somalia ama Liibiya...

Maraykanka oo ka digay inay Suudaan la mid noqoto Somalia ama Liibiya oo kale

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji  waxa uu sheegay inuu dalka Suudaan Khatar ugu jirto inuu la mid noqdo xaalladaha ka jira Somalia iyo Liibiya oo kale. Kaaliyaha oo isagoo ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba   khadka Telefoonka kula hadlay Weriyayaasha waxa uu tilmaamay inay Suudaan khatar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji  waxa uu sheegay inuu dalka Suudaan Khatar ugu jirto inuu la mid noqdo xaalladaha ka jira Somalia iyo Liibiya oo kale.

Kaaliyaha oo isagoo ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba   khadka Telefoonka kula hadlay Weriyayaasha waxa uu tilmaamay inay Suudaan khatar ugu jirto inay noqoto Dowlad kale oo fashilantay, sida Somalia ama Liibiya oo kale, haddii aysan Mucaaradka iyo Milliteriga haya talada dalkaasi ku wada heshiinin dadaalka geeddi-socodka ee Xilliga Kala-guurka ee dalkaasi.

- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji   waxa kale oo uu ku baaqay in Baaritaan Madax Bannaan oo la rumeysan karo  lagu sameeyo falkii ay Ciiddanka bilowgii bishan ku dileen qaar ka mid ah dadkii Dibadaxayey ee Isbedel-doonka ah.

Tiboor Naaji oo booqasho 2 maalmood ah ku tegay dalka Suudaan ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka rumeysan tahay in loo baahan yahay Baaritaano Madax-bannaan oo macquul ah, si Dembiilayaasha dilalka geystay loo soo taago Sharciga.

Mar uu ka hadlayey Kulamadii uu la yeeshay Guddiga Milliteriga iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Suudaan waxa uu sheegay inay ka so baxeen Natiijo wax-ku-ool ah, isla markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen inay dhisaan Dowlad Rayid ah.

- Advertisement -

Waxa uu hoosta ka xariiqay haddii uu wada-xaajoodkooda wax ka soo bixi waayaan inay taasi horseedi doonto nooc ka mid ah Fowdadad Sharci la’aanta, taasai oo xaqiiqdii la mid noqon doona Somalia ama Liibiya.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji waxa uu Wareysigiisa ku xusya inay Maraykanka taageeri doonaan dadaalka Ururka Midowga Afrika ee lagu dhexdhexaadinayo Golaha haya Talada dalkaasi iyo Mucaaradka Rayidka ah, si loo gaaro qorshe lagu qaban karo Doorashooyinka dalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey suurto-galnimadda Cunaqbaatayn lagu soo rogo Suudaan waxa uu sheegay inuu ficil kasta weli saaran yahay miiska.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Dhakhaatiirta jaalka la ah Isbahaysiga Mucaaradka Suudaan waxay sheegeen in ka bada n100 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay, hawlgalkii ay Ciiddanka bishan June 3-dii ku kala cayriyeen Dibadbaxyaashii ku sugnaa barxadda Xarumaha Milliteriga ee magaalladda Khartuum.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts