HomeCaalamkaMaraykanka oo ka digay inay Suudaan la mid noqoto Somalia ama Liibiya...

Maraykanka oo ka digay inay Suudaan la mid noqoto Somalia ama Liibiya oo kale

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji  waxa uu sheegay inuu dalka Suudaan Khatar ugu jirto inuu la mid noqdo xaalladaha ka jira Somalia iyo Liibiya oo kale. Kaaliyaha oo isagoo ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba   khadka Telefoonka kula hadlay Weriyayaasha waxa uu tilmaamay inay Suudaan khatar […]

- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji  waxa uu sheegay inuu dalka Suudaan Khatar ugu jirto inuu la mid noqdo xaalladaha ka jira Somalia iyo Liibiya oo kale.

Kaaliyaha oo isagoo ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba   khadka Telefoonka kula hadlay Weriyayaasha waxa uu tilmaamay inay Suudaan khatar ugu jirto inay noqoto Dowlad kale oo fashilantay, sida Somalia ama Liibiya oo kale, haddii aysan Mucaaradka iyo Milliteriga haya talada dalkaasi ku wada heshiinin dadaalka geeddi-socodka ee Xilliga Kala-guurka ee dalkaasi.

- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji   waxa kale oo uu ku baaqay in Baaritaan Madax Bannaan oo la rumeysan karo  lagu sameeyo falkii ay Ciiddanka bilowgii bishan ku dileen qaar ka mid ah dadkii Dibadaxayey ee Isbedel-doonka ah.

Tiboor Naaji oo booqasho 2 maalmood ah ku tegay dalka Suudaan ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka rumeysan tahay in loo baahan yahay Baaritaano Madax-bannaan oo macquul ah, si Dembiilayaasha dilalka geystay loo soo taago Sharciga.

Mar uu ka hadlayey Kulamadii uu la yeeshay Guddiga Milliteriga iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Suudaan waxa uu sheegay inay ka so baxeen Natiijo wax-ku-ool ah, isla markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen inay dhisaan Dowlad Rayid ah.

- Advertisement -

Waxa uu hoosta ka xariiqay haddii uu wada-xaajoodkooda wax ka soo bixi waayaan inay taasi horseedi doonto nooc ka mid ah Fowdadad Sharci la’aanta, taasai oo xaqiiqdii la mid noqon doona Somalia ama Liibiya.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tiboor Naaji waxa uu Wareysigiisa ku xusya inay Maraykanka taageeri doonaan dadaalka Ururka Midowga Afrika ee lagu dhexdhexaadinayo Golaha haya Talada dalkaasi iyo Mucaaradka Rayidka ah, si loo gaaro qorshe lagu qaban karo Doorashooyinka dalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey suurto-galnimadda Cunaqbaatayn lagu soo rogo Suudaan waxa uu sheegay inuu ficil kasta weli saaran yahay miiska.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Dhakhaatiirta jaalka la ah Isbahaysiga Mucaaradka Suudaan waxay sheegeen in ka bada n100 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay, hawlgalkii ay Ciiddanka bishan June 3-dii ku kala cayriyeen Dibadbaxyaashii ku sugnaa barxadda Xarumaha Milliteriga ee magaalladda Khartuum.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories