HomeCaalamkaIsbahaysiga Milliteriga Sacuudiga oo Duqeeyay Sanca

Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga oo Duqeeyay Sanca

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Telefishinka Dowladda Sacuudiga waxa uu sheegay inay Diyaaradaha Isbahaysiga duqeeyeen Nidamaka Gantaalladda Difaaca Cirka ee Maleshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalladda Sanca. Afhayeen u hadlay Isbahaysiga ayaa sheegay inay duqeeyeen dhowr bar-tilmaameed oo ay Kooxda Xuutiyiinta leeyihiin, isla markaan ay burburiyeen Awoodaha Milliteri ee ay ku lahaayeen goobaha la duqeeyey. Afhayeenka waxa uu dadka rayidka ugu […]

- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Sacuudiga waxa uu sheegay inay Diyaaradaha Isbahaysiga duqeeyeen Nidamaka Gantaalladda Difaaca Cirka ee Maleshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalladda Sanca.

Afhayeen u hadlay Isbahaysiga ayaa sheegay inay duqeeyeen dhowr bar-tilmaameed oo ay Kooxda Xuutiyiinta leeyihiin, isla markaan ay burburiyeen Awoodaha Milliteri ee ay ku lahaayeen goobaha la duqeeyey.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu dadka rayidka ugu baaqeen inay  ka fogaadaan Deegaanadda la beegsanayo ee magaalladda Sanca.

Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ay duqeeyeen Garoonka Diyaaradaaha ee magaalladad Abha ee dalka Sacuudiga, kuna dhaawaceen 26 qof.

Ciiddanka Cirka ee dalka Sacuudiga waxay shalay sheegeen inay burburiyeen 5 Diyaaradaha Darooniska ee xuutiyiinta oo la doonayey in lagu qarxiyo bar-tilmaameedyo ku yaalla gudaha Sacuduiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories