HomeCaalamkaIiraan oo ku fashilantay inay toogtaan Daroon Maraykanku lahaa iyo Xuutiyiinta oo...

Iiraan oo ku fashilantay inay toogtaan Daroon Maraykanku lahaa iyo Xuutiyiinta oo mid ka soo riday Maraykanka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ciiddanka Iiraan ayaa la sheegay inay ku fashilmeen weerar Gantaal oo ay la maaganaayeen Diyaarad Daroonis oo ay Maraykanka lahaayeen, ka hor inta aan labada Markab ee nooca shidaalka lagu qarxinin Badda loo yaqaano Gacanka Cumaan ee Marin-biyoodka Hormuz. Warbaahinta Maraykanka, gaar ahaan Telefishinka CNN-ka waxa uu shalay ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan Milliteriga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka Iiraan ayaa la sheegay inay ku fashilmeen weerar Gantaal oo ay la maaganaayeen Diyaarad Daroonis oo ay Maraykanka lahaayeen, ka hor inta aan labada Markab ee nooca shidaalka lagu qarxinin Badda loo yaqaano Gacanka Cumaan ee Marin-biyoodka Hormuz.

Warbaahinta Maraykanka, gaar ahaan Telefishinka CNN-ka waxa uu shalay ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan Milliteriga Marayaknka ayaa sheegtay in Gantaal lagu soo tuuray Diyaarad Daroonka nooca wax basaasta ee MQ-9 Reaper oo ilaalo ka haysay Maraakiibta Iiraan eeu soo dhaawaday Labada Markab ee ay waxyeelladu soo gaartay shalay, kuwaasi oo laga kala lahaa dalalka Norway iyo Japan.

- Advertisement -

Ciiddanka Iiraan ee la socotay Maraakiibta ayaa la sheegay inay ka war heleen Daroonka Maraykanka ee ku dul-meeraysanaysay, waxayna ku ganeen Gantaal nooca Lidka Diyaaradaha, balse waa ay la gafeen, wuxuuna Gantaalka ku dhacay Badda.

Isla ilo-wareed ayaa u sheegay Telefishinka CNN-ka in labo maalin ka hor shilkii Khamiistii in Diyaraad kale oo Draoonis oo ay Maraykanka lahaayeen lagu soo riday Badda Cas, iyadoo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Gantaal lagu soo farsameeyey Iiraan.

Khamiistii la soo dhafaay, 2 Markab nooca shidaalka ayaa waxay waxyeello ka soo gaareen qaraxyo iyo rasaas ka dhacday Gacanka Cummaan, meel ku dhow Gacan-biyoodka Hormuuz.

- Advertisement -

 

Inkastoo aan la aqoonin waxa sababay shilkaasi, haddana, Dowladda Maraykanka waxay ku eedeysay Iiraan inay ka dambeyeen qaraxyadaasi, inkastoo aysan Maraykanka soo bandhigin wax caddaymo ah oo taageeraya eedeyntooda.

 

Muuqaalka Video-ga ee ay Maraykanka baahiyeen waxaa laga arkayey wax lagu sheegay Ciiddanka Iiraan oo miino aan qarxin ka bixinaya mid ka mid ah Maraakiibta shidaalka.

Bale, muuqaalka ma muujinin magacyadda ama Calamkadda doonyaha, kaasi oo taageeri lahaa xaqiijinta sheegashadda Maraykanka.

 

Dowladda Iiraan waxay beenisay dhamaan Eedeymaha lagu sheegay inay door ku lahayd qaraxyada loo geystay Labada Markab.

 

Dowladda Raashiya waxay ku baaqday Baaritaanka shilkaasi, waxayna ka soo horjeesatay in Iiraan dhabarka loo saaro eedeyn aysan ku lug lahayn.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts