HomeCaalamkaAskar Kenyan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer

Askar Kenyan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ugu yaraan 8 Askari oo ka tirsan Boliska Kenya ayaa ku geeriyootay qarax miino oo xkadhacay Xarunta Konton oo ka tirsan Degmadda Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Gaari noociisu ahaa Land Cruiser o oay la socdeen13 Askari  lala eegtay uu qaraxaasi  abaarihii 4-tii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.

- Advertisement -

8 Sarkaal ayaa la sheegay inay isla goobta uu ku geeriyoodeen, halka 2 kale dhawcmeen, iyadoo 3 kalena ay u gacan galeen Dagaalamayaasha Alshabaab ee qaraxaasi fuliyey.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Wakaalladda Wararka Reuters ayaa sheegay in gaari ay la socdeen ciiddan ilaalo ah uu qarax ku qabsaday meel ku dhow xuduudka Somalia, iyadoo dhowr ka mdi ah 11-ki iAskar ee la socotay gaariga ay geeriyoodeen.

Afhayeenka waxa uu tilmaamau inay weli sugayaan tirada rasmiga ee Askarta ay waxyeelladu soo gaartay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Alshabaab ee Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay  ms’uuliyadda  3 ka tirsan Boliska Kaydka Kenya oo habeenkii Jimcaha  laga soo qafaashay Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya, una dhow xuduudka Somalia.

Abu Muscab oo Khadka Telefoonka kula hadlay REUTERS waxa uu tilmaamay inay habeen hore qabsadeen Tuullo lagu magacaabo Konton oo ka tirsan Wajeer,  isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen 3 Askari oo Kenyan ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories