HomeMaqalDhageyso:-Taliska Booliska oo ka hadlay Qaraxyadii Maanta ka dhacay Muqdisho

Dhageyso:-Taliska Booliska oo ka hadlay Qaraxyadii Maanta ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa koowaad oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa waxaa uu ku qarxay agagaarka Taallada Sayidka ee Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Golaha Shacabka. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa koowaad oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa waxaa uu ku qarxay agagaarka Taallada Sayidka ee Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo Caawa warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay agagaarka Taalada Sayidka,isla markaana ay ku dhinteen 9 ruux,halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay inay qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka Hotelka lagu magacaabo AFRICO oo ku yaalla Isgoyska KM4 ee Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Bar Koontarool oo Ciidamada ay ku leeyihiin ku taalla wadada aada dhinac Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Ameeriko ayaa waxaa uu tilmaamay in qaraxii labaad uu ku dhintay Ninkii waday gaariag qarxay,isla markaana uu ku dhaawacmay Nin kale oo la socday,kaasi oo markii dambe Ciidamada amniga gacanta ay ku dhigeen.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ay ku raadjoogeen qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheeteen Mas’uuliyadda Qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada,isla markaana sheegay inay la beegsadeen Koontaroolo ku yaalla Muqdisho.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts