HomeWararDad loo Maxkamadeeyey Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Britain

Dad loo Maxkamadeeyey Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Britain

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Afar Eedeysane oo ay middi  haweeney tahay ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Cardiff ee dalkaasi, kwuaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Fahad Maxamed Nuur, kaasi oo bishan 2-dii lagu dooxay meel ku dhow Boosteejada Tareenadda laga raaco ee Cathays. Eedeysanayaasha loo haysto dilka Marxuumka waxaa lagu kala magacaabaa: […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afar Eedeysane oo ay middi  haweeney tahay ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Cardiff ee dalkaasi, kwuaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Fahad Maxamed Nuur, kaasi oo bishan 2-dii lagu dooxay meel ku dhow Boosteejada Tareenadda laga raaco ee Cathays.

Eedeysanayaasha loo haysto dilka Marxuumka waxaa lagu kala magacaabaa: Cabdul-jaliil Aldobhani  oo 22-jir ah, Shafiiq Shadaad oo 24-jir ah, Mustafa Aldobhani  oo 21-jir ah iyo haweeney lagu magacaabo Asiil Arar oo 34-jir ah.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay haatan raadinayaan qalabkii loo adeegsaday Marxuumka Soomaaliga ee Fahad Mxaamed Nuur.

Dacwad-baaraha Guud ee Mark O’Sheea waxa uu sheegay inay rumeysan yihiin  in Mindi  ama labo mindi ay suurtogal tahay in loo adeegsaday dilkiisa, waxayna dadka ka codsadeen inay gacan ka siiyaan baaritaankaasi.

Boliska waxay kaloo sheegeen inaysan haatan baadi-goobaynin qof kale oo ku lug leh dilka Marxuumka, balse ay weli baarayaan hubka iyo dharka ay Eedeysanayaasha labisnaayeen.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Garsooraha Maxkamadda waxa uu amray in afarta Eedeysane xabsiga lagu hayo, iyadoo dib loo dhigay dhegeysiga dacwadda loo hasyto Eedeysanayaasha.

Ma aha markii ugu horreysay oo Muwaadin Soomaali ah lagu dilo gudaha dalka Britain, iyadoo ay Waalidiin badan ubadkooda u soo dhoofiyeen Somalia, si ay uga badbaadaan dilalka Tooreeyda oo ku soo banadanaysa qeybo ka mid ah dalakaasi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts