HomeCaalamkaMadaxweynaha dalka Masar oo ku booriyey Dowladaha Afrika Iskaashiga La-dagaalanka Musuqa.

Madaxweynaha dalka Masar oo ku booriyey Dowladaha Afrika Iskaashiga La-dagaalanka Musuqa.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweyne C/fataax Alsisi waxa uu hadalkaasi ka sheegay Furitanaka Shirweynaha 1-aad ee Afrika ee La-dagalaanka Musuqa (The African Anti-Corruption Forum (AACF)  oo shalay ka furmay magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.  Waxa uu Dowladaha Afrika ku booriyey inay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa Musuqa iyo inay muhiim tahay inay is-dhaafsadaan Aragtiyaha iyo kobcinta Xiriirka lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne C/fataax Alsisi waxa uu hadalkaasi ka sheegay Furitanaka Shirweynaha 1-aad ee Afrika ee La-dagalaanka Musuqa (The African Anti-Corruption Forum (AACF)  oo shalay ka furmay magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

 Waxa uu Dowladaha Afrika ku booriyey inay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa Musuqa iyo inay muhiim tahay inay is-dhaafsadaan Aragtiyaha iyo kobcinta Xiriirka lagu yareynayo Musuqa.

- Advertisement -

“Masar waxay sii wadi doontaa  taageerida Iskaashiga dadaalka lagula dagaalamyo ee Heerka Afrika” ayuu yiri Mdaaxweyne C/fataax Alsiisii

Waxa kale oo uu sheegay inay Akadeemiyadda La-dagaalanka ee Qaranka Masar diyaar u tahay inay tababar siiyaan Kaadiriinta Hay’addaha Xoojinta Sharciga ee Dowladaha Afrika, si loo kobciyo hannaanka wax looga qaban karo Musuqa.

Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar sannooyin badan dagaalamayeen Musuqa, isla markaana ay cilmi-baaris iyo Ra’yi ururin ku sameeyeen sidii looga hortegi lahaa La-dagaalanka Musuqa.

- Advertisement -

Madaxweynaha Masar waxa uu Ergooyinka Afrika ku soo dhaweeyey Masar, si ay uga faa’ideystaan Khibradda Masar ee La-dagaalanka Musuqa.

Shirkaasi oo maanta lagu soo gebagebeyn doono magaalladda Sharma-sheekh  waxaa ka qeyb galayo Wafuud ka kala socota dalalka Afrika, iyadoo Shirkadda Diyaaradaha Masar ee Egypt Air sheegtay inay soo daabuleen 2,500 oo qof oo ka mid ah Ergooyinka ku sugan Shirkaasi ka socda Sharma-sheekh.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts