HomeCaalamka(SAWIRO): Maxaa ku soo kordhay Qaraxyadii Maraakiibta shidaalka iyo Iiraan iyo Cummaan...

(SAWIRO): Maxaa ku soo kordhay Qaraxyadii Maraakiibta shidaalka iyo Iiraan iyo Cummaan oo ka hadlay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dowladda Iiraan waxay sheegtay inay badbaadiyeen 44 Badmaaxiin la socotay Labadii Maraakiibta shidaalka ee saakayto qaraxyadda ku qabsadeen Badda dalka Cummaan ee loo yaqaano Gulf of Oman. Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Badda ee saldhigooda dhexe ku yaalla dalka Baxrayn waxay iyagana sheegteen inay gurmad u fidiyeen Labada Markab ee la weeraray, kadib, markii ay ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Iiraan waxay sheegtay inay badbaadiyeen 44 Badmaaxiin la socotay Labadii Maraakiibta shidaalka ee saakayto qaraxyadda ku qabsadeen Badda dalka Cummaan ee loo yaqaano Gulf of Oman.

Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Badda ee saldhigooda dhexe ku yaalla dalka Baxrayn waxay iyagana sheegteen inay gurmad u fidiyeen Labada Markab ee la weeraray, kadib, markii ay ka heleen Qeylo-dhaan Gurmad-doon ah.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladda Cumaan ayaa ka hadashay dhacdadaasi, waxayna sheegtay in ugu yaraan hal Markab oo nooca Shidaalka ahaa lagu weeraray xuduud-baddeedkeeda Gacanka Cummaan.

Ma kala cadda cidda sida rasmi ahaan u weerartay Maraakiibtaasi, iyadoo mid ka mid ah Maraakiibtaasi lagu sheegay in lagu magacaabo Front Altair, oo ay leedahay Shirkadda Fronrline ee dalka Norway.

Markabkaasi waxa uu ku safrayey Calanka Jesiiradaha The Marshall Islands.

- Advertisement -

Markabka kale ee lagu magacaabo Kokuka waxaa la sheegay inuu ka soo shiraacday dalka Sacuudiga, wuxuuna ku  sii jeeday dalka Singapore

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijinin ayaa sheegay in Maraakiibtaasi lala beegsaday miino nooca Bir Labta iyo nooc Gantaal loogu talagalay inuu badda hoosteeda ka dusa.

Qiimaha Shidaala cayriin ayaa la sheegay inuu sare u kacay 4.5%, markii la maqlay in maanta qaraxyo lala beegsaday 2 Markab oo waday Shidaal.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts