HomeWararTaliyihii Booliska G/Hiiraan oo lagu dilay Dagaal ka socda Duleedka Baladweyne

Taliyihii Booliska G/Hiiraan oo lagu dilay Dagaal ka socda Duleedka Baladweyne

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan,kaasi oo u dhexeeyo Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolkaas. Dagaalkan ayaa sigaar ah waxaa uu uga socdaa deegaanka lagu magacaabo kala Beyr oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan,kaasi oo u dhexeeyo Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolkaas.

Dagaalkan ayaa sigaar ah waxaa uu uga socdaa deegaanka lagu magacaabo kala Beyr oo ku yaalla duleedka Magaalada Balaweyne,isla markaana waxaa lagu soo warayaa in uu yahay mid cusub oo lagu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda duleedka Baladweyne,kaasi oo soo kala gaaray Ciidamada kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolkaas Cali Maxamed Caraale.

Warar Idaacada Dalsan ee  Magaalada Muqdisho ay heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaasi lagu dilay  Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane,kaasi oo la sheegay inuu hogaaminayay Ciidamada taabacsan Guddoomiye Caraale.

Xaalada deegaanka kala Beyr ee duleedka Magaalada Baladweyne uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay tahay mid kacsan,waxaana halkaasi laga maqlayaa dhawqa rasaas xoogan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts