HomeWararMaamulka Gobolka Sh/Hoose oo balan qaad cusub u sameeyay Shacabka D/Marka

Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo balan qaad cusub u sameeyay Shacabka D/Marka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) ayaa Shacabka ku nool Degmada Marka ku ammaanay kuwo u bisil nidaamka Dowladnimo, ka dib booqasho uu halkaasi ku tegey. Guddoomiye, Najax oo shalay gaaray Magaalada Marka ayaa waxa uu soo dhoweyn diirran ka dib kulamo kala duwan la qaatay Guddoomiyaha Degmada C/llaahi Cali Axmed (Waafoow) , […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) ayaa Shacabka ku nool Degmada Marka ku ammaanay kuwo u bisil nidaamka Dowladnimo, ka dib booqasho uu halkaasi ku tegey.

Guddoomiye, Najax oo shalay gaaray Magaalada Marka ayaa waxa uu soo dhoweyn diirran ka dib kulamo kala duwan la qaatay Guddoomiyaha Degmada C/llaahi Cali Axmed (Waafoow) , Mas’uuliyiinta maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Kualnka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa amniga guud ee Gobolka iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Mudane; Najax, ayaa Shacabka Marka u ballan qaaday in lasoo celin doono dhammaan adeegyadii asaasiga u ahaa Bulshada halkaasi ku dhaqan, si loo daboolo baahiyaha ay Shacabku tabanayaan.

Guddoomiye; Ibraahim Aaden Cali, ayaa sidoo kale Bulshadii uu la kulmay u sheegay in Safarkiisu uu qeyb ka yahay Socdaal uu ku gaalaa bixinayay degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose iyo sidii dib looga soo celin lahaa maamulkii iyo adeegyadii Dowladnimo oo ay heli jireen shacabka kunool Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories