HomeCaalamkaHoggaamiyeyaal ka tirsan Mucaaradka Suudaan oo la masaafuriyey

Hoggaamiyeyaal ka tirsan Mucaaradka Suudaan oo la masaafuriyey

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

3 xubnood oo ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka oo ay isbuucii hore xireen Ciiddanka Ammaanka ee Suudaan ayaa la sheegay in shalay loo masaafuriyey dalka Koonfurta Suudaan. Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan ee TMC ayaa la sheegay inay amreen  masaafurinta  xubnahaasi ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xorreynta Suudaan ee Reer Waqooyiga ee SPLM-N. Madaxa Dhaqdhaqaaqaasi, Yaasir […]

- Advertisement -

3 xubnood oo ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka oo ay isbuucii hore xireen Ciiddanka Ammaanka ee Suudaan ayaa la sheegay in shalay loo masaafuriyey dalka Koonfurta Suudaan.

Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan ee TMC ayaa la sheegay inay amreen  masaafurinta  xubnahaasi ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xorreynta Suudaan ee Reer Waqooyiga ee SPLM-N.

- Advertisement -

Madaxa Dhaqdhaqaaqaasi, Yaasir Carmaan, Xoghayaha Gud ee SPLM-N, Ismaaciil Jalab iyo Afhayeenka Dhaqdhaqaaqaasi,  Mubaarak Ardol  ayaa la sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Khartuum shalay laga saaray Diyaarad Millieri oo ku sii jeeday caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Xubnahaas la masaafuriyey waxay ka mid ahaayeen xubnihii Isbahaysiga Mucaaradka Suudaan ee Jimcihii kulanka la qaatay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo isagu dhexdhexaadinayo Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka iyo Dibadbaxayaasha

Dhaqdhaqaaqa  SPLM-N waxay qeyb ka ahaayeen Kooxaha Mucaaradka ugu waa weyn ee qeybta ka ah Isbahaysiga kaalinta ka qaadanayo in Xukuumad Rayid ah lagu wareejiyo Talada dalka Suudaan o oay haatan maamulaan Golaha Milliteriga ee TMC.

- Advertisement -

Wararka kale ee ka imaanaya dalkaasi waxay sheegayaan in shalay laga wada jaray dhamaan Khadadka Internetka ee laynka ah (Internet Lines)ka ee guud ahaan dalkaasi.

Tallaabadaasi ayaa timid hal isbuuc kadib, markii dhamaan Adeegii Internetka ee Mobaylka hawada laga wada saaray.

Shirkadda Sudatel ee bixisa Khadka Internetka ee Laynka ee dalka Suudaan waxay shalay galab wada joojisay Adeegii Internetka ee caasimadda dalkaasi ee Khartuum, taasi oo caqabad ku noqotay Safaaradaha, Hotelladda waa weyn iyo Xafiisyadda.

Waana markii ugu horreysay ee ay Shirkadda Sudatel jaraan dhamaan Adeegyadii Internetka ee guud ahaan dalkaasi

Tallaabadda lagu jaray  guud ahaan Khadadka Internet-ka ee dalka Sudan waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Shaqo-joojin baahsan maalintii 3-aad ka jirto caasimada Suudaan iy oqeybo ka mid ah dalkaasi oo looga soo horjeedo Golaha TMC ee hata Talada dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories