HomeCaalamkaGaadiid ay lahaayeen Diplomaasiyiin oo lagu gubay Giriigga  

Gaadiid ay lahaayeen Diplomaasiyiin oo lagu gubay Giriigga  

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Labo gaari oo lahaa Taarikadda Diplomaasiyiinta Safaaradda Turkiga ku leeyihiin dalka Giriigga ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto lagu gubay magaalladda Thessaloniki ee dalkaasi. Wargeyska lagu magacaabo The Naftemporiki ayaa qoray in Kooxo aan la aqoonsani ay dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa Qareen Turkish ah saqdii dhexe ee xalay, iyadoo uu gaarigaas gebi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Labo gaari oo lahaa Taarikadda Diplomaasiyiinta Safaaradda Turkiga ku leeyihiin dalka Giriigga ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto lagu gubay magaalladda Thessaloniki ee dalkaasi.

Wargeyska lagu magacaabo The Naftemporiki ayaa qoray in Kooxo aan la aqoonsani ay dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa Qareen Turkish ah saqdii dhexe ee xalay, iyadoo uu gaarigaas gebi ahaanba uu  gubtay.

- Advertisement -

Sidoo kale, 2 gaari oo ay dadka deriska lahaayeen ayaa iyagana khasaaro soo gaaray.

Waregyska waxa kale oo u uqoray in toban daqiiqo kadib shilkaasi waxaa mar kale dab la qabadsiiyey Gaari watay Taarigadda Diplomaasiyiinta Turkish-ka. Kaasi oo gebi ahaantiisa wada gubtay.

Labo gaari oo iyagana yaallay barxada ayaa waxa soo gaaray khasaaro ka dhashay dabka la qabadsiiyey Gaariga Safaaradda Turkishka.

- Advertisement -

Warar ayaa sheegay in mid ka mid ah gawaarida la gubay laga lahaa Qunsulliyadda Turkishka ku lahayd maagalladda Thessaloniki , halka midka kalena uu lahaa Muwaadin Turkish oo u shaqeeya Hay’ad Maaliyadeed oo Caalami ah oo xarunteeda ku taallo isla magaalladdaasi.

Dhinaca kale, Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdooyinkaasi, balse, Ciiddanka Ammaanka Qaranka ee dalka Giriigga waxay bilaabeen baaritaano ku aadan arrinkaasi.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Dowladaha Turkiga iyo Giriigga uu ka dhexeeyo lahaanshaha xuquuqda ee qeybo ka mid ah badda Ajiyan iyo Bariga Badda Meditereniyaanka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts