HomeCaalamkaCiidamo ku sugan Iraq oo la daad-gureyn doono

Ciidamo ku sugan Iraq oo la daad-gureyn doono

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ra’isul-wasaaraha New Zealand, Jakinda Ardern waxay maanta shaacisay inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Iraq sannadka soo socda ee 2020-ka. Waxay intaasi ku dartay in Hawlgalka ay u joogaan Iraq la soo gebagebayn doono, isla markaana ay Ciiddankooda dib ugu soo laaban doonaan NZ marka la gaaro Xaggaaga soo socda oo ku beegan bisha June ee […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha New Zealand, Jakinda Ardern waxay maanta shaacisay inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Iraq sannadka soo socda ee 2020-ka.

Waxay intaasi ku dartay in Hawlgalka ay u joogaan Iraq la soo gebagebayn doono, isla markaana ay Ciiddankooda dib ugu soo laaban doonaan NZ marka la gaaro Xaggaaga soo socda oo ku beegan bisha June ee sannadka soo socda.

- Advertisement -

Dowladda NZ waxay sannadkii hore sheegeen inay Hawlgalka ay u joogeen dalka Iraq ku kordhiyeen muddo 2-sanno oo kale, inkastoo ay maanta ku dhawaaqeen inay Ciiddankooda la soo bixi doonaan sannadka soo socda.

Ilaa 98 Askar aan hubeysnayn ayaa NZ ka jooga dalka Iraq, kuwaasi oo tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa Xerada Milliteriga ee Taji ee Waqooyiga magaalladda Baqdaad, si ay u tababaraan Ciiddanka Iraq ee qeybta ka ah Dagaalkii Isbahaysiga Maraykanka kula jireen Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha NZ , Jakinda Ardern waxay Go’aankaasi u gudbisay Ra’isul-wasaaraha Australia, Scott Morrison oo ay dalkiisa 300 Askari ka joogaan gudaha dalka Iraq.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories