HomeCaalamkaDibadbaxayaal lagu dilay Suudaan iyo Mareykanka oo ka hadlay

Dibadbaxayaal lagu dilay Suudaan iyo Mareykanka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciiddanka sida degdega u hawlgala ee SRF ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto kala cayriyeeen Dibadbaxayaashii fadhin jirey afaafka hore ee Xarumaha Dhexe ee Taliska Milliteriga dalkaasi oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Khartuum. Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD ayaa sheegay in 3 qof oo ka mid ah Dibadbaxayaasha saakayto lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka sida degdega u hawlgala ee SRF ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto kala cayriyeeen Dibadbaxayaashii fadhin jirey afaafka hore ee Xarumaha Dhexe ee Taliska Milliteriga dalkaasi oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Khartuum.

Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD ayaa sheegay in 3 qof oo ka mid ah Dibadbaxayaasha saakayto lagu dilay  rasaas ay Ciiddanka ku kala cayrinayeen Dibadbaxayaasha, iyadoo tirada guud ee Dibadbaxayaasha geeriyootay ay gaarayaan ilaa 5 qof.

- Advertisement -

Dhinaca kale, mid ka mid ah  Hoggaamiyayaasha Dibadbaxyadda oo lagu magacaabo Madani Cabaas Madani iyo dhowr qof ayaa lagu dhaawacay tacshiirada lagu kala cayriyey Dibadbaxayaasha, iyadoo Ciiddanku la wareegeen inta badan Fagaarihi ay Dibadbaxyaasha fariisan jireen.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbedelka iyo Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD, waxayna ku eedeeyeen Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi inay geysteen waxa ay ugu yeereen Xasuuq.

Safaaradda Maraykanka ku leedahay dalka Suudaan waxay  sheegtay inay waajib tahay inay Ciiddanka Ammaanka Suudaan joojiyaan weeraradda ka dhanka ah Dibadbaxayaasha iyo Rayidka kale.

- Advertisement -

Qoraal ay Safaaraddu soo dhigtay Barta Twitter-kooda waxay ku sheegtay inay Golaha Milliteriga haya talada dalkaasi ee TMC qaadi doonaan mas’uuliyadda arrintaasi

Maalmo ka hor, waxay Golaha Milliteriga  Suudaan ee TMC sheegeen in fadhiga Dibadbaxayaasha ee Taliska Milliteriga khatar ku yahay Ammaanka dalka, isla markaana ay tallaabo ka qadai doonaan dhaqdhaqaaqyadda aan sharciga ahayn.

Warar hataan soo dhacay waxay sheegayaan inay Ciiddanka sida degdegga u hawl-gala iyo boliska weerareen Isbitaalka Royal Care Hospital, isla markaana ay gubeen Tendhooyinkii Dibadbaxayaasha ka dhisteen Xarumaha Taliska Dhexe ee Milliteriga ee dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts