HomeCaalamkaDibadbaxayaal lagu dilay Suudaan iyo Mareykanka oo ka hadlay

Dibadbaxayaal lagu dilay Suudaan iyo Mareykanka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciiddanka sida degdega u hawlgala ee SRF ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto kala cayriyeeen Dibadbaxayaashii fadhin jirey afaafka hore ee Xarumaha Dhexe ee Taliska Milliteriga dalkaasi oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Khartuum. Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD ayaa sheegay in 3 qof oo ka mid ah Dibadbaxayaasha saakayto lagu […]

- Advertisement -

Ciiddanka sida degdega u hawlgala ee SRF ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto kala cayriyeeen Dibadbaxayaashii fadhin jirey afaafka hore ee Xarumaha Dhexe ee Taliska Milliteriga dalkaasi oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Khartuum.

Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD ayaa sheegay in 3 qof oo ka mid ah Dibadbaxayaasha saakayto lagu dilay  rasaas ay Ciiddanka ku kala cayrinayeen Dibadbaxayaasha, iyadoo tirada guud ee Dibadbaxayaasha geeriyootay ay gaarayaan ilaa 5 qof.

- Advertisement -

Dhinaca kale, mid ka mid ah  Hoggaamiyayaasha Dibadbaxyadda oo lagu magacaabo Madani Cabaas Madani iyo dhowr qof ayaa lagu dhaawacay tacshiirada lagu kala cayriyey Dibadbaxayaasha, iyadoo Ciiddanku la wareegeen inta badan Fagaarihi ay Dibadbaxyaasha fariisan jireen.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbedelka iyo Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD, waxayna ku eedeeyeen Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi inay geysteen waxa ay ugu yeereen Xasuuq.

Safaaradda Maraykanka ku leedahay dalka Suudaan waxay  sheegtay inay waajib tahay inay Ciiddanka Ammaanka Suudaan joojiyaan weeraradda ka dhanka ah Dibadbaxayaasha iyo Rayidka kale.

- Advertisement -

Qoraal ay Safaaraddu soo dhigtay Barta Twitter-kooda waxay ku sheegtay inay Golaha Milliteriga haya talada dalkaasi ee TMC qaadi doonaan mas’uuliyadda arrintaasi

Maalmo ka hor, waxay Golaha Milliteriga  Suudaan ee TMC sheegeen in fadhiga Dibadbaxayaasha ee Taliska Milliteriga khatar ku yahay Ammaanka dalka, isla markaana ay tallaabo ka qadai doonaan dhaqdhaqaaqyadda aan sharciga ahayn.

Warar hataan soo dhacay waxay sheegayaan inay Ciiddanka sida degdegga u hawl-gala iyo boliska weerareen Isbitaalka Royal Care Hospital, isla markaana ay gubeen Tendhooyinkii Dibadbaxayaasha ka dhisteen Xarumaha Taliska Dhexe ee Milliteriga ee dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories