HomeWararAxmed Karaash oo booqday Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii Da'ay

Axmed Karaash oo booqday Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii Da’ay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Waddada Laamiga ee xiriirisa gobolada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland. laamiga go’ay iyo bururka soo gaadhay wadada waxa ay xanibtey isu socodka […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Waddada Laamiga ee xiriirisa gobolada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland. laamiga go’ay iyo bururka soo gaadhay wadada waxa ay xanibtey isu socodka dalka.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goleyaasha Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, ugu horayn Allah ayuu uga mahadnaqay nimcada uu ku manaystay shacabkiisa.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh uu ka soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo dowladdu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka goladada Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 Sano kahor ku dhisteen iskutashi tisqaaday, iminkana si lamida taasi in la joogo wakhtigii ay kaalin tooda ka qaadan-lahaayeen.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories