HomeWararGabar Soomaali oo Qaxooti ku ahayd Jesiiradda Malta oo la la’ yahay

Gabar Soomaali oo Qaxooti ku ahayd Jesiiradda Malta oo la la’ yahay

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Sida aynu ka soo xiganay Shabakadda Wararka Online-ka ee Cyprus Mail waxaa la la’ yahay Gabar Soomaali ah, taasi oo gurideeda ka maqan tan iyo bishan May 17-dii.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Qubrus ayaa lagu sheegay in gabadhaasi oo lagu magacaabo Nimca Khaliif Axmed oo 17-jir laga la’ yahay gurigeeda oo ku yaalla Degmadda Limassol oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn Qubrus, marka laga soo tago magaalladda Nikosia oo ah Caasimadda Qubrus.

Boliska waxay kaloo sheegeen in Gabadhaasi la waayey galabnimadii Khamiista ee la soo dhaafay, waxayna soo bandhigeen Sawirkeeda, Astaamaha kale ee lagu garan karo iyo Labiskii ay wadatay markii ugu dambeysay ee la arko.

Ma aha markii ugu horreysay oo haween Soomaali ah lagu waayo Jesiiradda Qubrus, iyadoo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR bishii hore ee April 23-dii sheegtay in la la’ yahay 3 Haween Somali magangelyod-doon ahaa oo ku noolaa Jesiiradda Qubrus.

Mid ka mid ah Haweenkaasi ayaa la sheegay in dib loo helay bilowgii bishan, inkastoo aan labada  kale wax war ah laga haynin, lagana yaabo inay dalal kale u sii tahriibeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories