HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Gobolka Mudug

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayey oo maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolka Mudug ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Madaxweynaha ayaa intaanu gaarin degmada Buurtinle waxa uu sii kormeeray Wershedda dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkacyo iyo wershedda shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha laamiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayey oo maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolka Mudug ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa intaanu gaarin degmada Buurtinle waxa uu sii kormeeray Wershedda dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkacyo iyo wershedda shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha laamiga dhexmara Buurtinle oo horey si casriya, tayonaleh u dhistay wadada halbowlaha ah ee Gaalkacyo.

- Advertisement -

Soo dhoweyn iyo shucuur wanaagsan oo ay shacabka reer Buurtinle weftiga Madaxweynaha ku qaabileen, waxaa uu Madaxweynuhu xariga ka jaray waddo laami ah oo dhexmarta faras magaalaha. 1km ayaa la dhisay, 3km iyo 600 miter, ayaa Madaxweynaha Puntland balan qaaday in dowladdu dhammaystiridoonto, waxaana uu Madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay shacabka degmadaasi.

“Runtii waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan imaado degmada Buurtinle oo xudun u ah, halbowlena u ah Puntland, waan ku faraxsanahay horumarka ay gaaray degmadu oo uu ugu horeeyo laamiga maanta aan xariga ka jarnay iyo mashariicda kale ee aan ka warqabo ee socota, taasi waxaa lagu gaaray dedaalka iyo wadajirka shacabka iyo maamulku ay sameeyaan”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay maamulka degmada, cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka magaalada, kulanka kadib waxa uu xadhiga ka jaray saldhig cusub oo degmada laga hirteliyey, dhismaha saldhigga waxaa iska kaashaday hay’adda SSF iyo Puntland.

- Advertisement -

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay gobolka Mudug, waxaana degmada Xarfo kusoo dhoweeyey mamulka degmada, shacabka magaaladaasi, waxgarad, oday dhaqameedyo iyo masuuliyiin kale.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts