HomeWararRa’iisul Wasaare Kheyre oo hambalyo u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hambalyo u diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naallooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore ee dagaalka cadowga kula dagaallamaya iyaga oo sooman, isla markaana guulo waaweyn ka soo hoynaya. Waxa ay hureen dhiiggooda si carruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunnu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories