HomeWararHaweeney Somali oo Taksiile ka ahayd Australia oo laga mamnuucay wadista gaadiidka

Haweeney Somali oo Taksiile ka ahayd Australia oo laga mamnuucay wadista gaadiidka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wargeyska The Herald Sun  ee ka soo baxa dalka Australia ayaa qoray in Haweeneyda Soomaalida oo lagu magacaabo Xaawo Add oo 69 jir ah laga mamnuucay Dareewalnimadda, kadib, markii lagu helay qaladaad badan oo Waddo-marista iyo cabasho ka timid Macaamiisha. Haweeneydaasi oo ahayd Dareewal Taksiyadda ka dhex shaqeeya magaalladda Melbourne ee dalkaasi  ayaa la sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The Herald Sun  ee ka soo baxa dalka Australia ayaa qoray in Haweeneyda Soomaalida oo lagu magacaabo Xaawo Add oo 69 jir ah laga mamnuucay Dareewalnimadda, kadib, markii lagu helay qaladaad badan oo Waddo-marista iyo cabasho ka timid Macaamiisha.

Haweeneydaasi oo ahayd Dareewal Taksiyadda ka dhex shaqeeya magaalladda Melbourne ee dalkaasi  ayaa la sheegay inay laga mamnuucay wadista gaadiidka, iyadoo lagu eedeeyey inay Rakaab Indhoole ah weydiisay inuu u tilmaamo  jihooyinka, iyo iyadoo aan wax tixgelin ah siinin Samafalayaasha Waddooyinka, gaar ahaan Nalalka Casaanka (Red Lights) iyo inay diiday inay lacag kaash ah qaadato, iyadoo Rkaabka weydiisata Lacagaha Karaarka Amaahda ee credit cards.

- Advertisement -

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay Haweeneyda Soomaalida dhowr jeer la qabtay iyadoo Taksiga  si xawli ah u waday iyo iyadoo loo diiwaan geliyey 27 jeer oo xad-gudub dhanka Taraafikadda iyo inay diiday inay isticmaasho Nidaamka Jiheeyaha Dayax-gacmeedka ee Internetka ku xiran ee loo yaqaano Global Positioning System (GPS), kaasi oo  lagu ogaanayo halka uu qofku ku sugan yahay.

Tan iyo markii ay Haweeneyda Soomaalida oo lagu magacaabo Xaawo Add bilowday Dareewalnimadda Taksiyadda sannadkii 2004-tii, waxaa la sheegay inay rakaabkii raacay  Taksigeeda ay buuxiyeen 21 dacwado caadi ah oo iyada ka dhan ah.

Rakaabka waxay sheegeen inay Xaawo Add aqoon ku filan u lahayn Waddooyinka magaalladda Melbourne iyo inay diiday inay caawiso Rakaab aad u nugul iyo Shandadiisa iyo  inay Rakaab Indhoole ah ka codsatay inuu eego Nambaradda Waddoyinka.

- Advertisement -

Ma aha markii ugu horreysay ee Xaawo Add laga joojiyo wadista Taksiyadda, iyadoo markii ugu horreysy laga joojiyey sannadkii 2013-kii,  waxaana lagu khasbay inay qaadato Koorsadda wadista Taksiyadda (Taxi driving course) iyo Koorsada kale ee Adeegga Macaamiisha (A customer service course).

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts