HomeWararRoobab xoogan oo ka Da’ay qeybo kamid ah Gobolada dalka

Roobab xoogan oo ka Da’ay qeybo kamid ah Gobolada dalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyin ka tirsan Gobolada dhexe ee dalka ayaa waxa ayaa sheegayaan in halkaasi uu ka curtay Roobkii Guga,kaasi oo watay daadad xoogan. Magaalooyinka Guriceel, Matabaan, Baladweyne iyo Balanbal ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay aad uga da’ayay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada,waxaana meelaha qaar ka jiray abaaro. Sidoo kale […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyin ka tirsan Gobolada dhexe ee dalka ayaa waxa ayaa sheegayaan in halkaasi uu ka curtay Roobkii Guga,kaasi oo watay daadad xoogan.

Magaalooyinka Guriceel, Matabaan, Baladweyne iyo Balanbal ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay aad uga da’ayay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada,waxaana meelaha qaar ka jiray abaaro.

- Advertisement -

Sidoo kale Roobab ayaa ka da’ay baadiyaha deegaano kale oo ka tirsan Gobolada dhexe dalka,isla markaana waxaa lagu soo waramayaa in dhulka uu biyo badan dhigay.

Dhinaca kale waxaa Go’day Buundada deegaanka Ceel-gaal oo muhiim u aheyd isku socoda dadka iyo gaadiida deegaankaas,waxaana jaray roobabkii halkaasi ka Da’ay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Maanta uu hakad ku jiro isku socodka gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in weli laga cabsi qabo in roobab kale halkaasi ay Da’aan,maadaama cirka ay buuxdo daruurta roobka oo aad u badan.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories