HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shsbaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray halkaasi. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiro ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shsbaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray halkaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiro ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee ku yaalla duleedka Kismaayo,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal saacado badan qaatay oo dhacay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ahaa mid culus oo lagu isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac,hayeeshee aan si  dhab ah loo xaqiijin karin  inta uu la egyahay.

War qoraal ah oo Al-shabaab ay ku faafiyeen barahooda internet-ka ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab sidaan oo kale weerar ugu qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya,waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories