HomeCaalamkaMuddo-kordhin loo sameeyey Ciidanka Jarmalka ee qeybta ka ah Howlgalka Somalia

Muddo-kordhin loo sameeyey Ciidanka Jarmalka ee qeybta ka ah Howlgalka Somalia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Barlamaanka dalka Jarmalka waxay u codeeyen in  xilli-kordhin loo sameeyo Ciiddankooda qeybta ka ah 3 Hawlgal oo ay u joogaan Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan Ciiddankooda ka hawlgala xeebaha dalka Somalia. Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee dalka Jarmalka oo loo yaqaano The Bundestag waxay si buuxda ugu codeeyeen in muddo hal sanno ah lagu kordhiyo […]

- Advertisement -

Barlamaanka dalka Jarmalka waxay u codeeyen in  xilli-kordhin loo sameeyo Ciiddankooda qeybta ka ah 3 Hawlgal oo ay u joogaan Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan Ciiddankooda ka hawlgala xeebaha dalka Somalia.

Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee dalka Jarmalka oo loo yaqaano The Bundestag waxay si buuxda ugu codeeyeen in muddo hal sanno ah lagu kordhiyo xilli-hawleedka Ciiddanka Jarmalka ee ka hawlgala dalalka Somalia iyo Mali.

- Advertisement -

Ciiddanka Jarmalka oo loo yaqaano Bundeswehr, waxay haatan qeyb ka yihiin 3 Hawlgal oo ay QM iyo EU-da ka wadaan dalalka Somalia iyo Mali.

Xilli-hawleedka saddexdaasi hawlgal ee ay qeybta ka yihiin ciidadnka Jarmalka waxaa lagu kordhiyey muddo hal sanno ah oo ku ekeen doonta ilaa dabayaaqada bisha May ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Ciiddanka Jarmalka oo loo yaqaano Bundeswehr, waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Ciiddanka Badda ee dalalka Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.

- Advertisement -

Hawlgalkaas  oo loo yaqaano The Atalanta mission waxa uu bilowday sannadkii 2008-dii, waxaana Ciiddanka qeybta ka ah loogu talagalay inay sugaan Ammaanka Maraakiibta Caalaamiga ee isticmaala Baddaha Somalia, La-dagaalanka Burcad-baddeeda  iyo inay gelbiyaan Maraakiibta Shixnadaha Kaalmooyinka u wada dadka ku macluulsan gudaha Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories