HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi. Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kalena Danjire ka soo noqday dalalka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi.

Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kalena Danjire ka soo noqday dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

- Advertisement -

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali.”

“Amb. Maxamed Warsame Cali waxa uu ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uu qayb wakhtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii Maamulka Galmudug. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories