HomeWararBurcad dadweynaha ku dhici jiray Shaatiga Ciidamada oo xukun lagu riday

Burcad dadweynaha ku dhici jiray Shaatiga Ciidamada oo xukun lagu riday

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya. March Tobankeedii   Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac […]

- Advertisement -

Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

March Tobankeedii   Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay  qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

- Advertisement -

Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay  galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.

$604 agab Teleefoona ah oo kala duwan lacag u dhiganta ayuu qaatay iyo  malyan iyo Shan boqol oo  Shilin Soomaali ah.

12-bishii sedaxaad ayaa loo soo wareejiyay kiiskiisa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, wixii xilligaasi ka dambeeyay Garsoorka Ciidamada  ayaa u diray xabsiga dhexe  si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.

- Advertisement -

Sedaxda  bishii  tagtay ayay xafiiska xeer ilaalinta codsadeen in la horgeeyo Maxkamadda, lix cisha kadib ayay Maxkamadda ballamisay eedeysanaha maxkamadeyntiisa.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kale  horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca ku  geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Waxa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha.

Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Maxkamadda ayaa kiiskan go’aamisay in aan fadhi  kaliye ku filneyn, waxaa la isugu soo noqoday laba fadhi oo kale 16 iyo 23-ka bishii na dhaaftay ayaa markale la dhageystay Kiiskan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii  aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories