HomeCaalamkaXukunka Askari Somali-Mareykan dilay Haweeney u dhalatay Australia oo lagu dhawaaqi doono

Xukunka Askari Somali-Mareykan dilay Haweeney u dhalatay Australia oo lagu dhawaaqi doono

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Maxkamad ku taalla Gobalka Minnesota  waxay dembi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Boliska Maraykanka ku heshay dilkii haweeney u dhalatay Australia oo la oran jirey Justine Damond, taasi oo la dilay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii.

Qareenadda difaacayey Askariga waxay sheegeen inay toogashadaasi u dhacday si kama’ ah, kadib, markii ay Haweeneydaasi gurmad weydiisatay Telefoonka Khaaska ee Boliska ee 911.

- Advertisement -

Haweeneyda la dilay oo 40-jir ahayd ayaa la sheegay inay haysatay Labada Dhalasho ee Maraykanka iyo Australia.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxay sheegeen in Askariga lagu helay fal-dembiyeedka Dilka Heerkiisa 3-aad, kaasi oo lagu muteysan karo 25-sanno oo Xabsi iyo  dilka heerka 2-aad oo lagu muteysan karo xabsi 10-sanno ah.

Sharciga Gobalka Minnesota xukunkaasi waxa u uAskariga ku muteysan karaan dhowr sanno oo Xabsi ah , oo qiyaastii aad uga yar inta lagu muteysan karo xukunka dembiyadaasi.

- Advertisement -

Xeer-beegtida Maxkamadda waxay amreen in askariga loo gudbiyo Xabsiga, iyadoo Go’aanka Xukunkiisa la filayo in lagu dhawaaqo bisha soo socota ee June 7-da.

Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku nool Minnesota waxay si kulul u naqdiyeen qaabka ay Garsoorayaasha u maareeyeen Dacwadda loo geystay Askariga Somali-Maraykanka ah, waana markii ugu horreysay oo Askari ka hawl-gala Gobalka Minnesotta lagu helo dil uu geystay inta uu ku guda-jiray Waajibadkiisa Shaqo.

Duqa magaalladda Minneapolis, Jacob Frey waxa uu sheegay inay garab taagan yihiin Jaalliyadda Soomaalida, wuxuuna dhanka kale ka tacsideeyey dilkii haweeneydii u dhalatay dalka Australia.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories