HomeCaalamkaTirada dadka shisheeyaha ee lagu dilay Qaraxyadii ka dhacday Sri lanka oo...

Tirada dadka shisheeyaha ee lagu dilay Qaraxyadii ka dhacday Sri lanka oo la shaaciyay

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dowladda dalkaasai ayaa caddeysay inay 42 Muwaadiniin shisheeye ah ka mid ahaayeen 253-kii qof ee lagu dilay qaraxyadii  bishan April 21-dii ka dhacay dalkaasi.

Saraakiisha Dowladda waxay kaloo sheegeen inaan weli la tirinin 12 qof oo shisheeye ah oo laga yaabo inay ka mid yihiin dadkii lagu dilay qaraxyadaasi.

- Advertisement -

5 qof oo shisheeye oo dhaawacan  ayaa weli ku jira  Isbitaalladda, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii lagu dhaawacay qaraxyadi ilala beegsaday Kaniisadaha iyo Hoteelladda dalkaasi.

Tirada ugu badan ee Dhibanayaasha shisheeyaha ee ku geeriyootay qaraxyadaasi ayaa ka soo kala jeeda 11 u dhalatay Hindiya, 6 u dhlaatay Britain, 4 u dhalatay Shiinaha, 3 u dhalatay Denmark, min 2 ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Turkiga, Spain iyo mid hal qof oo ka soo kala jeeda Bangaladesh, Japan, Holland, Maraykanka, Switzerland iyo Bortiqiiska.

Waxaa kale oo jira 6 qof oo kale oo haystay in ka badan hal Dhalasho.

- Advertisement -

Dhinaca kale, maydadka 25 qof oo shisheeye ah ayaa waxaa xalay dib loogu celiyey dalalka ay ka soo kala jeedeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories