HomeCaalamkaMadaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo laga xaday dhowr sanduuq oo Ukun ah

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo laga xaday dhowr sanduuq oo Ukun ah

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Afar qof ayaa loo soo qabtay Sanaadiiqda lagu riseeyo Ukunta ka soo xadeen  Beer lagu xannaaeyo Digaaga oo uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto. Saraakiisha Boliska ee Degmadda eldoret ayaa sheegay in Eedeysanayaasha la soo qabtay, kadib, markii ay 10 Sanaadiiqda lagu riseeyo Ukunta ka soo xadeen Hoyga William Ruto ku leeyahay Degaanka Sugooy. […]

- Advertisement -

Afar qof ayaa loo soo qabtay Sanaadiiqda lagu riseeyo Ukunta ka soo xadeen  Beer lagu xannaaeyo Digaaga oo uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto.

Saraakiisha Boliska ee Degmadda eldoret ayaa sheegay in Eedeysanayaasha la soo qabtay, kadib, markii ay 10 Sanaadiiqda lagu riseeyo Ukunta ka soo xadeen Hoyga William Ruto ku leeyahay Degaanka Sugooy.

- Advertisement -

Afarta Eedeysane waxaa lagu soo qabtay Sanaadiiq maran oo la rumeysan yahay inay ahaayeen kuwii laga soo xaday Hoyga William Ruto.

Taliyaha Boliska Galbeedka Eldoret,Zakariyah Bitook ayaa sheegay inay Baarayaasha ku hawlan yihiin Kiiskaasi, kadib, markii uu Gal-dacwadeed furay Maareeyaha Beerta ku taalla Hoyga Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray afarta qof oo wax ka degan gurigaasi ay beeniyey inay ku lug leeyihiin xatooyadaasi.

- Advertisement -

Baaritaanka Boliska waxay sheegeen in sanaadiiqa ukunta laga xaday oo maran ay ka heleen Eedeysanayaasha la soo qabtay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya ayaa la sheegay inuu gurigiisa ka maqnaa markii laga xaday 10-ka sanduuq oo ay ukun ka buuxaan.

Mashruuca Beerta Digaaga ee uu leeyahay William Rutto waxaa ukunteeda loo iib geeyaa  magaalladda Nairobi iyo  North Rift.

Si kastaba ha ahaatee. William Ruto oo magaciisa dhamaystiran yahay William Kipchirchir Arap Ruto waxa uu Xilka Madaxweyne-ku-xigeenka hayey tan iyo sannadkii 2013-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories