HomeCaalamkaCarwo lagu soo bandhigayo Kutubta Qur’aanka Kariimka ee Qarniyo ka hor lagu...

Carwo lagu soo bandhigayo Kutubta Qur’aanka Kariimka ee Qarniyo ka hor lagu qoray far guriga

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Magaallada Mostar ee dalka Bosnia-Herzogovia waxaa shalay laga furay Cawo lagu soo bandhigay Nuqulo ka mid ah Kutubta Qur’aanka Kariimka ee la qoray Qarniyo ka hor, kuwaasi oo haatan shaakligooda ama qaabkooda uu duugoobay.

Carwadaasi waxaa soo qabanqaabisay Machad lag leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Yunus Emre Institute (YEE), oo iyagu soo ururiyey Kutubta Masxafka Qur’aanka Karimka oo uu Nusret Omerika ururinayey in ka badan 10-sanno.

Nusret Omerika oo ka hadlay Furitaanka Carwadaasi Islaamiga ayaa sheegay in markii ugu horreysay la soo bandhigayo 6 Kutubta Qur’aanka Kariimka oo far guri lagu qoro muddo haatan laga joogo 300 oo sanno.

Waxaa kaloo Kutubta Qur’aanka Kariimka ee lagu soo bandhigayo Carwadaasi ka mid ah dhowr Masxaf Qur’aanka oo jaldigooda lagu dahaaray Dahab, Maasha Allaah.

Soo-ururiyaha Kutubtaasi, Nusret Omerika waxa uu sheegay inuu gurigiisa ka sameeyey Maktabad ay  yaallaan 3,000 oo Buug, oo 200 ka mid yihiin Kutubta Qur’aanka Kariimka,

Waxa uu intaasi ku daray inuu jecel yahay Kitaab Qur’aanka oo uu  Awoowgiisa ka dhaxlay, wuxuuna dhanka kale xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ururiyo Kutubta Qur’aanka ee lagu qoray Far-guriga.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Madrasadda taariikhiga ee Karagöz Bey Madrasa ee lagu soo bandhigay Carwadda Kutubka Qur’aanka Kariimka ayaa sheegay inuu Kutubka Qur’aanka ku leeyahay meel muhiim ah Quluubta qof kasta oo Muslim ah.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories