HomeCaalamkaDadka Kenyanka aan haysanin E-Passports oo aan heli doonin Dal-ku-galka Mareykanka

Dadka Kenyanka aan haysanin E-Passports oo aan heli doonin Dal-ku-galka Mareykanka

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax Fiiso ah siin doonin ddaka Kenyaanka ee haysta Baasaboorka nooca duug ah, sidaa waxaa lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi. Tallabadaasi ayaa ah wareeg kale oo ay dadka Kenyanka ugu tartami doonaan si ay ku helaan Baasaboorada Electonic Passports ama E-passports. Safaaraddu waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax Fiiso ah siin doonin ddaka Kenyaanka ee haysta Baasaboorka nooca duug ah, sidaa waxaa lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi.

Tallabadaasi ayaa ah wareeg kale oo ay dadka Kenyanka ugu tartami doonaan si ay ku helaan Baasaboorada Electonic Passports ama E-passports.

- Advertisement -

Safaaraddu waxay sheegtay in dadka haysta E-passports o okeliya loo aqoonsan doono kuwa la siinayo Fiisaha dal-ku-galka Maraykanka, waxayna tani ka dhigaysaa in dalka Maraykanka yahay dalka ugu weyn dalalka Reer Galbeed ee codsada Nooc cusub ee Dukumentiyadda lagu socdaalo ee Kenyan Travel documents.

“Waxaan awoodnaa oo keliya inaan Fiisaha Maraykanka ku dhufanao Baasaboorka cusub. Waad ku dhigan kartaa Ballan Baasaboorkaaga haatan, balse waxaad u baahan yahay inay hesho E-passport, ka hor waxaan awoodnaa inaan ku siino Fiisaha” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi .

Waxa uu intaasi sii raaciyey in dadka Fiisaha Maraykanka  loo saaray Baasaboorka duug inaan loo oggolaan doonin inay galaan Maraykanka, ilaa ay ka soo qaataan Baasaboorka E-passports.

- Advertisement -

Tallaabadda Safaaradda Maraykanka ku adkeysay qaabka dadka Kenyanka u helaan Fiisaha, ayaa timis, iyadoo Saraakiisha Dowladda Kenya, gaar ahaan Madaxa Adeegga Guud, Joseph Kinyua oo ka mamnuucay socdaalka Saraakiisha aan weli helin Baasaboorka nooca cusub ee E-passports.

Isbuucii la soo dhaafay, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Macharia Kamau waxa uu sheegay inuusan Xafiiskiisa codsiga Fiisaha ku taageeri doonin Saraakiisha Sarsare ee Dowladda ee aan haysanin  E-passport.

Baasaboorka nooca Elektoroonikada ee Kenya waxaa la bilaabay sannadkii 2017-kii, balse waxa uu si buuxda u dhaqan geli doonaa bisha August 31-da ee sannadkan, taasi oo oggolaanaysa in laga gudbo kii hore.

Laakiin, bishii December ee sannadkii hore, Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto waxa uu muddada kama  dambaysta ee Kala-guurka Baasaboorkii hore iyo kan cusub noqon doonto sannadka 2020-ka, si fursad loo siiyo inay Kenyan badan codsadaan Baasaboorka E-Passport.

Bishii Janaayo ee sannadkan Baasaboorka cusub ee Kenya waxaa la sheegay inay heleen 40,000 oo qof, balse, waxaa weli  lagu safri karaa oo keliya waa  Baasaboorkii hore.

Qurbo-joogta dalkaasi waxay ka cabanayaan helitaanka Baasaboorka cusub, waxayna ku khasban yihiin inay ku soo laabtaan Kenya, si ay safaf dheer u galaan si ay u dalbadaan Baasaboorka cusub.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi waxay horey u sheegtay inay  in Xarumo laga bixiyo Baasaboorada cusub laga furi doono magaallooyinka London (UK), Paris (Faransiiska), Washington (Maraykanka), Pretoria (South Africa), Dubai (Imaaraadka Carabta), Berlin (Jarmalka).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts