HomeWararGaari uu leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Bari oo qarax lala Eegtay

Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Bari oo qarax lala Eegtay

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaasi oo geystay Khasaaro. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala Eegtay Gaari uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) xili uu marayay Wado uu ku yaalla Hotelka Jubba ee Magaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaasi oo geystay Khasaaro.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala Eegtay Gaari uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) xili uu marayay Wado uu ku yaalla Hotelka Jubba ee Magaalada Boosaaso.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa markii uu ka dhacay Cirka ay isku shareertay qiiq iyo Uuro Madow,isla markaana Jugtiisa si weyn looga maqlay Xaafado ka tirsan Booasaaso.

Ugu yaraan 3 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi,kuwaasi oo la socday gaarigii uu qarxa haleelay,iyadoo xiligaas uusan la socon Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays.

Dhaawaca soo gaaray Askarta ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,si halkaasi  loogu dabiibo xaaladooda Caafimaad.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay tegay,iyagoo xiray aaga uu ka dhacay,waxaana sidoo kale halkaasi ay ka wadaan baaritaano kala duwan.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi  Maanta uu ka badbaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo Gaarigiisa lala eegtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts