HomeCaalamkaXubno ka tirsanaa Xisbiga Madaxweynihii hore ee Suudaan oo Xabsiga loo taxaabay

Xubno ka tirsanaa Xisbiga Madaxweynihii hore ee Suudaan oo Xabsiga loo taxaabay

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbigs NCP ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Maamulayaasha Milliteriga ee dalkaasi xabsiga u taxaabeen xubno sare oo ka tirsan Xisbiga NCP ee uu hoggaamin jirey Albashiir. Xubnaha Xabsiga loo taxaabay ayaa kala ahaa Ku-simihii Madaxii Xisbiga NCP, Axmed Haaruun, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, Cali Osman Daaha, Kaaliyihiisii hore, Cawad Al-jaaz, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbigs NCP ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Maamulayaasha Milliteriga ee dalkaasi xabsiga u taxaabeen xubno sare oo ka tirsan Xisbiga NCP ee uu hoggaamin jirey Albashiir.

Xubnaha Xabsiga loo taxaabay ayaa kala ahaa Ku-simihii Madaxii Xisbiga NCP, Axmed Haaruun, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, Cali Osman Daaha, Kaaliyihiisii hore, Cawad Al-jaaz, Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Islaamka, Al-zubayr Axmed Xasan iyo Guddoomiye hore ee Barlamaanka dalkaasi, Ibraahim Al-daahir.

- Advertisement -

Sidoo kale, Guddoomiyihii Barlamaanka Suudaan, Ibraahim Axmed Cumar iyo Kaaliyihii Albashiir, Naafic Cali  Naafic ayaa waxaa iyagana la geliyey Xabsi Guri.

Golaha Milliteriga haya talada Suudaan ee TMC waxay Hawlgab ka dhigeen dhamaan 8 Janaraal oo ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka dalkaasi, kadib, markii ay dibadbaxayaasha codsadeen in dib-u-habayn lagu sameeyo Hay’addaha Ammaanka dalkaasi.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Suudaan,  Al-waliid Sayid  Axmed waxa uu amray in la sameeyo Guddiga baaritaanka Dembiyadda ay Dowladii hore gashay, sida Musuqa, Adeegsiga Hantida Ummadda iyo Dembiyadii ku lug lahaa dhacdooyinkii tacadiyadda ee loo geystay dibadbaxayaasha.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu ka codsaday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka in Xasaanadda laga qaado tiro Saraakiil ka tirsan Sirdoonka, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay dilkii Macallim ku dhintay Xabsiga bishii Feberaayo ee la soo dhaafay.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts