HomeCaalamkaSawirro:-Khasaaro xoogan oo ka dhashay Qaraxyo lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo ku...

Sawirro:-Khasaaro xoogan oo ka dhashay Qaraxyo lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla Sri Lanka

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Silsilado qaraxyo oo gaaraya ilaa 6 qarax ayaa saakayto oo Axad ah lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado ku yaalla dalkaasi. Ugu yaraan 138 qof ayaa ku geeriyootay, halka qiyaastii 250-kalena ku dhaawacmeen. Weerarkaasi ayaa lala beegsaday dad ka qeyb galay Dabaaldegga Easter-ka ee dadka Kirishtaanka ah oo iyaga maanta Kaniisadaha ku qabanaya Munaasabad […]

- Advertisement -

Silsilado qaraxyo oo gaaraya ilaa 6 qarax ayaa saakayto oo Axad ah lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado ku yaalla dalkaasi.

Ugu yaraan 138 qof ayaa ku geeriyootay, halka qiyaastii 250-kalena ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Weerarkaasi ayaa lala beegsaday dad ka qeyb galay Dabaaldegga Easter-ka ee dadka Kirishtaanka ah oo iyaga maanta Kaniisadaha ku qabanaya Munaasabad ay u dabaal degayaan maalinta ay u yaqaanaan  “Easter Sunday services”.

Saddex ka mid ah qaraxyadaasi waxay ka dhaceen Kaniisado Katoolik, halka 3 kalena lala beegsaday Hoteelladda qaalliga ee kala ah: The Cinnamon Grand, Kingsbury and Shangri-La oo ku wada yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Kolombiya.

Qaraxa 1-aad ayaa la sheegay inuu ka dhacay Kaniisad ku taalla caasimadda, halka qaraxyadda kale ay dhaceen 30-daqiiqo gudahooda.

- Advertisement -

Labada Kaniisad ee kale oo lala beegsaday qaraxyadda ayaa ku kala yaalla Degmooyinka Negombo oo 30-KM u jirta Caasimadda iyo mid kale oo ku taalla Degmadda Batikaloa oo 250 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Kolombo.

Sarkaal u hadlay Isbitaalka Batticaloa o ola hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in ka bdaan 30 qof  laga daaweeyey dhaawaacyo ka soo gaaray qaraxyadaasi.

Afhayeenka Boliska dalka Sri Lanka, Ruwan Gunasekera waxa uu sheegay in la daad-gureeyey dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi, waxayna  Ciiddanka Ammaanka go’doomiyeen goobahaasi.

Waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyey qaraxyadaasi oo u muuqday kuwo la soo abaabulay.

Ma jirto ilaa haddana koox sheegatay qaraxyadda manta ruxay Kaniisado iyo hoteelo ku yaalla dalka Sri Lanka.

Qowmiyadda Budhistaha ayaa ugu badan dalkaasi, waxaana jira qabaa’ilo yaryar oo ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Tamiilka iyo Singaliiska.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories