HomeCaalamkaMuhaarijiin kala-bar Soomaali ahaa oo lagu qabtay Giriigga

Muhaarijiin kala-bar Soomaali ahaa oo lagu qabtay Giriigga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Boliska dalka Giriigga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, kuwaasi oo lagu tahriibinayey gaari Xamuul oo watay Taariiko diiwaan-gashan oo la so oxaday. Shabakadda Wararka ee novinite.com ayaa qoray inay Boliska gaarigaasi ku joojiyeen Jimcihii la soo dhaafay Bariga magaalladda Thesaloniki, iyadoo uu gaarigaasi ku safrayey Taariko ka […]

- Advertisement -

Boliska dalka Giriigga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, kuwaasi oo lagu tahriibinayey gaari Xamuul oo watay Taariiko diiwaan-gashan oo la so oxaday.

Shabakadda Wararka ee novinite.com ayaa qoray inay Boliska gaarigaasi ku joojiyeen Jimcihii la soo dhaafay Bariga magaalladda Thesaloniki, iyadoo uu gaarigaasi ku safrayey Taariko ka diiwaan gashan dalka Bulgaria oo la soo xaday.

- Advertisement -

Dareewalka gaariga oo u dhashay dalka Bulgaria waxaa la sheegay in la xiray, kadib, markii ay Boliska qabteen.

Muhaajiriinta oo tiradoodu guud dhamayd 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, waxay inta kale ka soo kala jeedeen dalalka Sudan, Eritrea, Falastiin, Masar, Iraq iyo Bangaladesh.

Muhaajiriinta oo lagu soo qariyey xamuul uu waday gaarigaasi waxay u sheegeen Boliska inuu mid kasta lacag dhan 1,500 oo EURO siiyey Mukhalasiin joogta gudaha Turkiha, kuwaasi oo iyaga ka tagaeeray inay Dooni ku soo galaan dalka Giriigga, ka hor inta aysan soo raacin gaariga xamuulka ee lagu qabtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories