HomeCaalamkaDabley hubyesan oo lagu dilay weerar fashilmay oo ka dhacay Sacuudiga

Dabley hubyesan oo lagu dilay weerar fashilmay oo ka dhacay Sacuudiga

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Telefishinka Alarabiya ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay ayaa sheegay in la fashilay weerar ay kooxo hubeysan ku soo qaadeen Saldhig Bolis oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Riyadh.

4 dabley ah ayaa lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Saldhig Bolis  oo ku yaalla Degmadda yar ee Zulfi oo 250-KM dhanka W/galbeed kaga toosan caasimadda Riyadh.

- Advertisement -

Muquaal Video oo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa laga arkayey gaari taagnaa bar Kontorool iyo dhiig dhulka ku daadsanaa, iyadoo la maqlayey dhawaaqa rasaasta.

Telefishinka Alarabiya waxa uu sheegay in dableyda weerarka soo qaatay wateen qoryaha darandooriga u dhaca, Bambooyin iyo Bambooyin Batrool ahaa.

Sannadkii hore, tiro ka tirsan Ciiddanka Ammaanka iyo Muwaadin u dhashay Bangaladesh ayaa lagu dilay weerar lagu so oqaaday Bar Kontorool oo ku taalla agagaarka Degmadda Bureydah, iyadoo weerar kale oo ka dhacay Degmadda Taa’if ee Galbeedka dalkaasi lagu dilay  Hal Askari.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories