HomeWararSawirro:-Faah faahin kasoo baxeysa Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sawirro:-Faah faahin kasoo baxeysa Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Albaabka hore ee Hotelka Mubaarak ee ku yaalla agagaarka Isgoyska Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay Wadada dhinaceeda,waxaana goobta xiligaas yaallay gaadiid kale,kuwaas oo uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Albaabka hore ee Hotelka Mubaarak ee ku yaalla agagaarka Isgoyska Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay Wadada dhinaceeda,waxaana goobta xiligaas yaallay gaadiid kale,kuwaas oo uu qabsaday dab xoogan.

- Advertisement -

Qiic iyo uuro madow ayaa markii uu qaraxa dhacay isku shareertay Cirka,taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana markii dambe goobta gaaray gaadiida Dab-damiska oo ku guuleystay daminta dabkaas.

Warar qaar oo ay heshay Dalsan ayaa sheegaya in qaraxa wax Khasaaro ah uusan geysan,hayeeshee jugtiisa laga maqlay qebo kamid ah Magaalada Muqdisho,sidoo kalena uu baxday Darawalkii waday gaariga qarxay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo tegay halkaasi ayaa xiray Wadada,iyadoo uu muddo daqiiqado ah uu hakad galay isku socda dadka iyo gaadiida goobta uu qaraxa ka dhacay ,balse Ciidanka ayaa dib u furay markii uu dhamaaday deminta dabkii ka dhacay goobta.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,iyadoona ay xusid mudan tahay in amniga Magalada aad loo adkeeyay oo wadooyinka qaar la xiray.

 

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts