HomeWararDuqa Muqdisho oo ka hadlay Nin hubeysan oo lagu qabtay Degmada Warta-Nabadda

Duqa Muqdisho oo ka hadlay Nin hubeysan oo lagu qabtay Degmada Warta-Nabadda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa xusay in xalay fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xalay fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka.

- Advertisement -

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Al-shabaab ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin Al-shabaab,waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts