HomeWararCiidamo ka kala socday Uganda iyo Sierra Leone oo dhamaystay xilli-hawleedkooda oo...

Ciidamo ka kala socday Uganda iyo Sierra Leone oo dhamaystay xilli-hawleedkooda oo la abaalmariyey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn waxa uu maanta Shahaadooyin Abaalmarino ah guddoonsiiyey Ciiddan ka socday Uganda, kuwaasi oo dhamaystay waajibaadkii shaqo ee ay muddada halka sanno ku joogeen Somalia. Ciiddankaasi oo ka tirsan Kooxda 24-aad ee Milliteriga Uganda waxay door muhiim ah ka qaateen sugidda Ammaanka Xarumaha DFS, Garoonka Diyaraadaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn waxa uu maanta Shahaadooyin Abaalmarino ah guddoonsiiyey Ciiddan ka socday Uganda, kuwaasi oo dhamaystay waajibaadkii shaqo ee ay muddada halka sanno ku joogeen Somalia.

Ciiddankaasi oo ka tirsan Kooxda 24-aad ee Milliteriga Uganda waxay door muhiim ah ka qaateen sugidda Ammaanka Xarumaha DFS, Garoonka Diyaraadaha Aadan Caddee, Dekedda Muqdisho, Degmooyinka Gobalka Banaadir, Afgooye, qeybo ka mid ah Degmadda Wanle-weyn ee Gobalka Sh/hoose iyo waddooyinka ay sahyda u soo maraan Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn ku bogaadiyey Ciiddanka Kooxda dagaalka ee 24-aad ee  Uganda, sida ay uga hor tageen weerarada Alshabaab iyo sida ay u sugeen Xarumaha muhiimka ee ay ilaaladda ka hayeen.

Sida uu qoray Wargeyska New Vision ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala, waxa uu qoray in Ciiddankaasi la abaal-mariyey ay Somalia yimaadeen bishii April ee sannadkii hore, isla markaana ay mas’uul ka ahaayeen Ammaanka Xarumaha muhiimka ee DFS, oo ay ku jiraan Aqalka Dowladda ee Villa Somalia, Golaha Barlamaanka, Garoznka iyo Dekedda Muqdisho.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM,  Jeneral Michael Kabango waxa uu isagana bogaadiyey Ciiddanka la abaal-mariyey, isagoo sheegay inay si hagar la’aan ah u guteen shaqooyinka adag ee lagu soo celinayo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Ciiddanka Uganda ee la abaalmariyey waxaa la filayaa inay dib ugu laabtaan dalkooda, iyadoo Ciiddan kale oo cusub la wareegi doonaan goobaha ay Ciiddankaasi ilaaladda ka hayeen.

Dhinaca kale, 159 Askari oo ka tirsan Boliska dalka Sierra Leone, kaana hawl-jirey Jubbaland  ayaa waxaa iyagana la guddoonsiiyey Shahaadooyin Abaal-marin ah, kadib, markii ay dhamaystay xilli-hawleed hal sanno ah oo ay qeyb kaga ahaayeen Boliska Hawlgalka AMISOM.

Ciiddankaasi ka socday dalka Sierra Leone waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan caasimadda dalkooda hooyo ee Freetown.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts